Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta kulankii ka dhacay Ankara, Turkiga oo sheegay arrin ay isku raaceen Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay Wufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.

Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwo “fool ka fool” inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah, waxaa soo jeediyay dhexdhexaadiyaha, wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga.

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gaba-gaboobay waxaana lagu ballamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Itoobiya ay ka noqoto heshiiskii is af-garad ee ay la gashay dalka Somaliland.

Wadahadalka oo xalay fiidkii soo gebo gaboobay ayaa waxaa lagu ballamay in dib la isugu soo noqdo walow aanu jirin is fahan toos ah oo la shaaciyay.

Labada dhinac waxay u mahadceliyeen Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay gaba-gabada shirka kadib ayaa yidhi “ wada-hadallada Ankara ay ku gaadheen Itoobiya iyo Soomaaliya waa kuwo leh horumarro la taaban karo, isla markaana wareeggii labaad ee wadahadallada uu bisha September mar kale ka dhici doono dalka Turkiga”.

“Maanta waxaan ku faraxsanahay in aan taagannahay hortiina anniga oo ay ila jiraan labada wasiir ee dhigayga ah, wasiiradda Soomaaliya iyo Itoobiya walaaladay Taye Atske-Selassie, iyo Axmed Macallin Fiqi.

“Maantana wadahadalku waxa uu joogaa kaalin aan mudnaan weyn ku leenahay ayna ku jirto kalsooni xooggan, sidoo kale waxaa xusud mudan ogolaanshaha ay muujiyeen in ay ku qabaan madaxweyne Erdogan iyo Turkigaba waxay muujineysaa in aan ku taagannahay jidkii saxda ahaa”, ayuu sii raaciyay wasiir Fidan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isla markii shirka uu soo idlaaday hadlay isaga oo ku sugan Muqdisho ayaa yidhi, “Waxaa jirtay in dowladda Itoobiya ay Turkiga ka codsatay in ay wadahadal nala yeeshaan, dowladda Turkigana waa ay noo yeedhay iyada oo wadahadal hore uu nooga socday Kenya ayuu ku soo beegmay codsigan ay dirtay Itoobiya”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay fashilisay wadahadalladii hore ee Kenya xilli ay Itoobiya sheegtay in ay dib ugu laabaneyso wadahadal dhexdeeda ah balse ayna dib u soo noqon.

“Annagu waligeen wadahadal ma aynaan diidin, Turkigu marka ay yidhaahdeen maxaad ka qabtaan in deriskiinnii soo codsaday wadahadalka aad la hadashaan waan aqbalnay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu carrabka ku dhuftay in ayna jirin wax lagu heshiiyay balse la’isku soo noqon doono.

“Waan jeclaan lahayn in mushkiladdaasi ay naga dhamaato oo wax waliba ay ku noqdaan sidii ay ahaayeen 1-dii January kahor, nimankaas deriska aan nahay meel aan wanaagsaneyn ayey taabteen mana ay muujin meel ay kaga noqonayaan”, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadabba maxaa lagu micneyn karaa wadahadalkan?

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka faallooday kulankan isaga oo yidhi, “Kulanku waxa uu aha amid loo baahan yahay, Soomaaliya wey ku saxneyd in ay kulankaa tagto, diblomaasiyaddu waa wadahadal, arrintanna waa mid culus haddiise xal laga gaadhayo waa mid muhiimad leh”.

Wasiirku waxa uu sidoo kale wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in wasiirrada labada dowladood ee Turkiga kuwada hadlay ayna si toos ah isku hor fadhiisan isaga oo ku sheegay in ay tahay mid diblomaasiyadda aan shaqo ku lahayn.

“Haddiiba ay labada wasiir isla istaagi karaan maxaa ku jaban in ay wada fadhiistaan maadaama dhammaadkii shirka ay si wada jir ah usoo istaageen shirka jaraa’id” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cawad.

Dawladda Itoobiya weli kama hadlin kulanka Ankara.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this