Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubnaha sheegta Awdal State oo caawa si iskood ah uga dhoofaaya dalka Djibouti

Recommended Posts

Deeq A.   

Screenshot_20240702_191548_WhatsApp.jpg

Xubnaha sheegta Awdal state ee dibad wareega ah ee todobaadkaniba ku sugnaa dalka Djibouti ayaa lagu wadaa in ay caawa dalkaasi Djibouti ka dhoofaan iyaga oo raaci doona diyaarada Turkish Airlines oo caawa ka kacaysa dalka Jabuuti.

Xubnahani oo martiqaad rasmi ah ka haystay xukuumadda Djibouti ayaa sidoo kale kulan balaadhan oo ay kaga soo hor jeedaan xukuumadda iyo shicibka Somaliland kula yeeshay shaqaalaha safaaradda ay Somalia ku leedahay Djibouti

Kooxdani oo uu hor boodayaal u yihiin Mr Obsiiyie iyo Cali Bashiir ayaa intii ay Jabuuti ku sugnaayeen hanjabaado argagaxle ka soo diraayay dalkaasi Djibouti, arinkaasi oo cirka ku shareeray xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti oo xumaaday tan iyo intii ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen heshiiska is fahan.

Hadalo kul kulul ayay madaxda Somaliland iyo Djibouti is waydaarsadeen, taasina waxa ay salka ku haysaa kooxdani sheegata Awdal State oo hanjabaado dagaal oo ay ku soo qaadayaan gobolka Awdal oo ah goobaha ugu nabdoon Somaliland taasina waxa ay sii shiday khilaafkii hoose eebu dhaxeeyay labada dal.

Madaxda Djibouti ayaa beeniyay in ay iyagu ka danbeeyaan xubnaha sheegta Awdal state ee dalkooda ka waday dhaq dhaqaaqa colaadeed isl markaasina ayna waxba kala socon arinkaasi.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa maanta baahiyay sida ay xukuumadda Djibouti uga danbayso xubnahaasi sheegaayay in ay weerararo ku soo qaadi doonaan gobolka Awdal, isga oo sheegay in xataa xubnahaasi lagu marti qaaday xafladdii loo sameeyay dharaartii ay Djibouti xoriyadeeda ka qaadatay dalka faransiiska.

Xukuumadda Djibouti ilaa  hada kama ay hadlin xubnahaasi Awdal state sheegta eebcaawa dalkeeda ka dhoofaaya ee lagu wado in ay u baxaan dalalkii qurbaha ahaa ee ay ku noolaayeen ee markii arinka isfahanka Itoobiya iyo Somaliland uu soo baxay looga yeeshay qurbaha si ay khalkhal u galiyaan amniga Somaliland.

Xukuumadda Djibouti ilaa hada kama ay hadal abaabulka colaadeed ay kooxdani sheegata Awdal State ay ugu soo hanjabayeen Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this