Sign in to follow this  
Deeq A.

WAR DEG DEG: Baarlamaanka Jubbaland oo Meesha Ka Saaray Qodob Ka Hor Istaagi Lahaa Axmed Madoobe Inuu Tartamo Mar Saddexaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulan ay goor dhow yeesheen Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa lagu ansixiyay wax ka bedelka qaar ka mid ah qodobada muhiimka ah ee Dastuurka Jubbaland.

Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee wax ka bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.

Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

Qodobkaan ayaa la aaminsanaa in uu sanadkaan ka hor istaagi lahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam in uu markii Saddexaad uu isku taago xilka Jubbaland.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa horay loogu eedeeyay in ay daacad u yihiin Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana aysan qabsan howlaha isla xisaabtanka.

Doorashada Jubbaland ayaa la qorsheynaya in la qabto dhamaadka Sanadkaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this