Deeq A. Posted July 2, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana lala eegtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gaashaanle sare Cali Xaash, kaas oo qaraxa loo dhigay, xilli uu marayay halkaasi. Cali Xaash ayaa ka bad-baaday weerarkan, waxaase ku dhaawacmay saddex askari oo kamid ah ilaaladiisa, kadib markii ay miinadu haleeshay. Sarkaalkan ka bad-baaday qaraxa oo la hadlay Shabelle Tv ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xilli ay kusii jeedeen shaqada, ujeedkana uu ahaa in la khaarijiyo isaga. “Waxa ay maleegeen nimanka shar-wadayaasha ah qarax miino ah ayay noo dhigeen aniga oo shaqadeyda kusii socda waa meel waxyar ka sugeyso Suuqa Xoolaha, baahasha xoogeeda waa na dhaaftay saddex askari ayaa nooga dhaawacantay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxa uu burburiyay baabuurkii ay wateen, iyaganuna uu soo gaaray firir yar, haatana ay wanaagsan tahay xaaladooda. “Aniga waxba ima soo gaarin waxyaalo yaryar ah oo firir ah ma ogiyee hadda waa iska fiicanahay adiga baabuurkii jug ayaa gaartay, wuuna jajabay” ayuu sii raaciyay. Inta badan waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca weeraro khasaare gaysta oo lagu qaado ciidamada dowladda, xilliyada isaga kala kooshayaan guda caasimada. Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Muqdisho oo ay howlgallo joogto ka sameeyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.The post Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites