Sign in to follow this  
General Duke

Injured officers from Kismayu bombing being traded in Baidoa.

Recommended Posts

BAYDHABO: Magaalada Baydhabo oo la gaarsiiyay saraakiishii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Kismaayo

Posted to the Web Feb 12, 07:55

 

 

Baydhabo (PP) - Magaalada Baydhabo ayaa la geeyay tiro ka mid ah saraakiishii Dowladda iyo dadkii Rayidka ahaa ee ku dhaawacmay qarax bambaano oo shalay ka dhacay beerta xorriyadda ee Magaalada Kismaayo.

 

 

 

Saraakiisha Dowladda ayaa dhaawacyadooda la dhigay Isbitaalka Magaalada Baydhabo halkaasoo lagu daweynayo, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan in qaar ka mid ah saraakiisha Dowladda ay qabaan dhaawacyo aad u xoog badan laguna wado in loo qaado maanta Magaalada Nairobi si halkaas loogu soo sameeyo daweyn dheeri ah.

 

 

 

Gen. Bustaale ayaa ka mid ah kuwa ay gaareen dhaawacyada culculus iyadoo la sheegay in dhaawac uu ka gaaray indhaha, wararka qaarkoodna ay sheegayaan inuu indhaha ka dhacay, waxaana la sheegay in bambaanada qaraxday oo ah nooca F1-ka loo yaqaan ay wajiga uga dhacday, taasna ay sababtay in indha ay ka gaaraan dhaawacyo culus.

 

 

 

Sidoo kale saraakiisha la keenay Baydhabo ee dhaawacyada qaba laguna wado in maanta loo duuliyo Nairobi ayaa waxaa ka mid ah taliyaha aagga saddexaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed C/llaahi Fartaag oo la sheegay inuu qabo dhaawac aad u daran, balse aan faahfaahin dheeri ah laga bixin.

 

Saraakiishaan ayaa lagu sheegay sababta loogu soo qaaday Kismaayo inay tahay iyadoo isbitaalka Magaalada Kismaayo uusan lahayn wax daweyn ah iyo sidoo kale qalliinno, iyadoo aysan jirin hay’ad kaalmeysa isbitaalka iyo qalab iyo dawo taalla intaba.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya & R/wasaarihiisa Geeddi Oo Maanta Booqday saraakiishii Shalay Uu Dhaawacu Kasoo Gaaray Qaraxii Kismaayo (Geedi Oo Duulay).

Posted to the Web Feb 12, 08:08

 

 

BAYDHABO: Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul-wasaaraha Xukuumadda KMG Prof. Cali Max'ed Geedi ayaa maanta booqdeen dhaawacyda Saraakiisha Dowladda KMG ee shalay Kismaayo kusoo dhaawacmay.

 

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaalada Saraakiishaan qaarkood ay yihiin khatar, isla markaana loo qaado si deg deg ah Magaalada Nairobi si loogu soo daaweeeyo.

 

 

Madaxweyne Yuusuf, waxu sheegay in Caafimaadka Saraakiishaan Dowladda FKMG ay u xil saartay gudi isla markaana lagu dadaali doono sidii ay u caafimaadi lahaayeen.

 

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay wax badan ka qaban doonto baahida caafimaad ee ka jirta Isbitaalka guud ee Magaalada Baydhabo oo xiligaan daawo la'aan baahsan ay ka jirto. Isla markaana aysan jirin Hay'ada taageerta.

 

 

Saraakiishaan ayaa maanta loo qaaday Magaalada Nairobi si loogu soo daaweeyo, iyadoo halkaasi lagu daaweynayo dhaawaca Afhayeenka Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Diinaari oo shil baabuur ku dhaawacmay.

 

 

Dhinaca kale, Prof. Geedi iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta duhurnimadii u duulay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waloow aan la shaacin qorsha uu halkaasi u tagayo.

 

 

Safarka Geedi ayaa kusoo beegmay xili la hadal hayo in toddobaadka soo socda ay Dowlada Federaalka bilowdo shirka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, kaasoo qaban qaabadaasi laga dareemayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this