Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo khasab kaga bara-kicinaysa Falastiiniyiinta degmada Khan Yunis

Recommended Posts

Deeq A.   
16d0c1d4-3a63-40bd-9b7f-9462201ed067_w40

Milatariga Israa’iil ayaa xalay ku amray dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Khan Yunis ee bartamaha Marinka Gaza, in ay isaga baxaan, tallaabadaasi oo u muuqata mid direysa in Israa’il ay mar kale weerari doono magaalada labaad ee ugu weyn Gaza.

Amarkan ayaa muujinaya in Khan Yunus ay noqoneyso bartilmaameedka ugu danbeeya ee dagaalka ay Israa’iil ka waddo Gaza tan iyo horraanii October ee sannadki hore.

Ciidanka Israa’iil ayaa horay u burburriyay inta badan Khan Yunus, hase yeeshee shacabka ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay, kaddib weerarki ay Isra’il ku qaadday magaalada kale ee Rafax.

Dadka lagu amray in ay ka baxaan Khan Yunus ayaa sheegay, in farriin qoraaleedyo ay ciidanka Israa’iil ugu soo direen telefoonnadoodu loogu sheegay, in ay aadaan degmada Muwasi ee dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka, halkaas oo ay horay ugu barakaceen boqollaal kun oo ruux.

Dhanka kale, kooxaha Islamic Jihad iyo Xamaas ee ka dagaallama Gaza ayaa sheegay in ay Isniintii shalay gantaallo ku weerareen deegaanada ku yaalla koofurta Israil ee xadka Gaza.

Millatariga Israa’il ayaa sheegay in ilaa 20 gantaal oo lagaga soo tuuray dhanka Gaza aysan cidna wax ku noqon, hase yeeshee weerarkaasi ayaa muujiyay in wali ay kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay leeyihiin awood, kaddib muddo 9 bilood ah oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Israil.

PUNTLAND POST

The post Israa’iil oo khasab kaga bara-kicinaysa Falastiiniyiinta degmada Khan Yunis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this