Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Jubaland oo wax ka beddel ku sameeyay Qodoba kamid ah Dastuurka Maamulkaas

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719910072496.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta oo Talaado ah wax ka beddel ku sameeyay qodoba kamid ah Dastuurka Jubaland.

Baarlamaanka Jubbaland oo maanta isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaasi.

Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo laba jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray.

Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland waxay ansixiyeen in loo guuro Qodobka 65aad waxaana laga dhigay muddada xilheynta Madaxweynaha in ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Jubaland oo wax ka beddel ku sameeyay Qodoba kamid ah Dastuurka Maamulkaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this