Sign in to follow this  
Deeq A.

Wada-hadalkii Turkigu ku dhex-dhexaadinayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719883604549.jpg?resize=720%2C41

Kulamadii u horreeyay ee dowladda Turkigu ku dhex-dhexaadinaysay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka qabsoomay magaalada Ankara ayaa lagu soo warramayaa in ay dhammaadeen natiijo la’aan.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Kulamada labada dhinac aysan ahayn kuwa fool ka fool ah, islamarkaana si weyn loogu kala aragti duwanaa, maadaama labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhinac kasta ku adkaystay go’aankiisi hore.

“Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Bayaanka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in wareeg labaad oo Wada-hadal ah lagu ballamay 2 bisha September ee sannadkan 2024″Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024″.

“Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo  in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan” ayuu sii raaciyay bayaanka wasaaradda Arrimauha dibadda Soomaaliya.

Dhinaca kale, markii uu kulanka soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu Hakan Fidan sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan oo dib la isugu soo laaban doono 2 bisha September ee sannadkan.

PUNTLAND POST

The post Wada-hadalkii Turkigu ku dhex-dhexaadinayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this