Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid ah dalalka Carabta oo Soomaaliya ku hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luuliyo ee Xorriyadda dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719845239853.jpg?resize=720%2C48

Dalalka Carabta qaarkood ayaa Maanta Soomaaliya ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee Xorriyadda Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa kuxigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan.

Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa sidoo kale hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo.

Dhinaca kale, Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

PUNTLAND POST

The post Qaar kamid ah dalalka Carabta oo Soomaaliya ku hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luuliyo ee Xorriyadda dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this