Sign in to follow this  
Liibaan

Qunsuliyadda Xabashida ee Garoowe ma Abaalmarintii Xasuuqii Buuhoodlaaa????????

Recommended Posts

Liibaan   

ProxySomalia.jpg

 

Qunsuliyadda Garoowe ma Abaalmarintii Xasuuqii Buuhoodlaa????????

 

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

 

Mar hore ayaan jeclaa inan qalin ku muujiyo aragtidayda ku aadan Qunsuliyadda Garoowe ee cadowgii ummadda lag sharfay, laakiin waqtigaa ii saamixi waayey xag Allena kama suurtoobin hadda ka hor.

 

labada maamul ee kakala taliya Garoowe iyo Hargaysa

 

Sidaad kawada dheregsan tihiin dhawaan waxaa Garoowe loogu walqalay Qunsiliyad uu leeyhay cadowgii soo jireenka ahaa ee Ummadda Soomaaliyeed lahayd(Xabashi, marka laga reebo inta Muslimiinta ah), taasoo raalli ahaansho lagaga dalbayo cadowga. Waxaa dhawaan dhacday oo cid waliba ogtahay in dadkii muslimiinta ahaa ee degganaa deegaanka Buuhoodle la xasuuqay iyagoo loo diidan yahay inay Alle kaligii caabudaan amarkan ka qaataan iyagoo marmarsiinyo looga dhigay labada maamul ee kakala taliya Garoowe iyo Hargaysa idiin ma taliyaan oo warkiina ma keenaan ee xagee laydin ka xukumaa?

 

Su’aasha dadka caqliga u saaxiibka ahi aay is waydiinayaan waxay tahay; maxaa aamusiyey Culimmaddii maalmo ka hor ku shiraysay Garoowe oo isaga kala yimi labadaa maamul (Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari), ee Soomaali lagu gowracayo?!! Ileyn Muslimiinta cadowga caasimaddii Islaamka ka difaacayaba wa lagu dhiirradaaye Xasuuqa Buuhoodle iyo Rugta cadowga ee agtooda laga furay miyaaney arag , shaki kuma jiro inay Qunsuliyadaasi u timi inay Culimmadaa qaqabato maalintii amar la siiyo, illeyn ceeb looma dhinto.

 

Ninkii u ducaynayey Melez Senawi (Badhasaab ku xigeenka Garoowe)

 

Arrinta kale ee qosolka iyo argagaxa mudani waxay tahay,ninkii u ducaynayey Melez Senawi (Barasaab ku xigeenka Garoowe) wuxuu ahaa markii Soomaalidu is hayb-haybsato nin la hayb ah deegaanka Buuhoodle, inkastoo haybta dhabt ah aay tahay Islaamka.

 

Waxaa ayaan darro ah inuusan fahmin hadalka loo dhiibay ee lagu shirqoolayo ummadda Soomaaliyeed ee Buuhoodle deggan.

 

Gumaysigii Talyaaniga Iyo Ingriiska?

 

Waxaan shaki ku jirin Qunsuliyadda cadowga ee Garoowe laga furay kama duwana yoolka aay mujaahidiintu ku beegsanayaan goobaha cadowga dalka ku soo duulay. Garoowe oo ka mid aheyd meelihii Gumaysigii Talyaaniga saraakii looga laayey, ahna dhulkii uu Mujaahid Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ka dhaariyey gumaysigii dalka Soomaaliyeed qabsaday oo kala qaybiyey ummaddii Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahayd, waxaan filayaa inay iska qaadi doonta xumaanta cadowgu la soo raadsaday, isagoo soo adeegsaday qayb ka mid ah shaqaalihiisa.

 

Haddaba waxaa muuqata in gumaadkii dadkii Muslimiinta ahaa dhigoodii lagu abaalmariyey Qunsuliyad cadowgii laga siiyey dhulkii Soomaaliyeed. Taasi waxay la mid tahay ninkii yiri ninkii wiilkayga dilay hal mag ah ayaan isaga siiyey oo uu warankiisa kaga dhaqo dhiiggii wiilkayga ka soo gaaray. Waxaa la oran karaa ninkaasi ujeedduu lahaa laakiin ma filayo kuwani inay ujeeddo leeyihiin aan ahayn yaan Xabashi amaanteeda laydin kaga dheereyn.

 

Qore: Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu Cabdiraxmaan)

 

Sheikh Abyad ayaa isaguna qoraal ku adaan qusuliyada laga furay Garoowe!

 

Bishan gudeheeda ayaa Tigraygu ka furteen Garoowe wax ay ugu magac dareen qunsuliyad , taasoo la yidhi waxay fududaynaysaa danaha shacabka deegaannadaas kaga xidhmi kara Addis Ababa.

 

Aniga oo u arka in danahaas la sheegay iyo fududayntooduba aanay ahayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa iclaaminta xafiiskan awalba furnaa, mid la mid ahina ka furan yahay caasimaddii labaad ee ummadda Soomaaliyeed lahayd waa Hargaysa ‘ e , kuwo kale oo bandanna ay soo socdaan sida mid uu yeelan doono maamulka Galmudug , maamullada yaryar ee jidka kusoo jiraana ay saamiyadooda heli doonaan , iyada oo aragtidayda ku aadan xafiiskan ay sidaas tahay hadana waxaan jeclaystay inaan akhristaha la wadaago waxa uu xanbaarsan yahay iclaaminta xafiiskani wakhtigan, waxaan is leeyahay inay ugu mug wayn tahay:

 

1.Maamulka puntland oo galay marxalad cusub oo uu ku kasbaday 1:In Itoobiya muujiso sida ay u danaynayso ‘’xidhiidhka’’ ay la leedahay maamulkaas.

 

2.Iclaamintani waa tallaabo ay ka horreeyeen tallaabooyin kuwo kalena ay daba socdaan oo isugu biyo shubanaya in ummadii soomaaliyeed ee muslimka ahayd geeska Afrikana awoodda iyo sumcadda ku lahayd la hoos geeyo taliska Addis Ababa iyaga oo jeesas iyo jifooyin kala dana ah, isuna cadaw ah , yoolkooda u waynina yahay inay u kala tartamaan raalli galinta xabashiga.

 

3.Cid kasta oo rajo ka haysay ama ku riyoonaysay in Tigraygu Soomaali dawlad u samayn doonaan la tuso dawladnimada Soomaaliya lala rabo nooca ay tahay, taasoo ah in Soomaalidu noqoto sidii xayn adhi ah oo marba hormo yar loo sii daayo Addis Ababa.

 

4.In lagu bah dilo qof kasta oo rajo ka haysay maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira , gaar ahaan culimada Soomaaliyeed ee gobolladaas ku nool.

 

5.Waxaan qarsoonayn culimo Soomaaliya magac iyo maamuus ku lihi inay nadwo ku qabteen isla magaaladaas oo wixii ay iyagu u arkayeen inay tahay danta ummadda kaga hadleen haba ugu waynaato dagaallada koonfurta Soomaaliya ka socda, nadwadaas oo ay ka qayb qaateen madaxda ugu sarsaraysa ee maamulkaas, aragtidayda ma aha wax si lama filaan ah u dhacay in wakhtigaas kooban oo wali kuraastii laga kacay diirran tahay lagu abaabulo xaflad lagu soo dhowaynayo cadawgii soo jireenka ahaa ee ummaddani lahayd, ujeedkuna waa in la muujiyo in culimada laftoodu raalli ka yihiin, ama la muujiyo dacfigooda iyo sida aanay u hirgalayn wixii ay ku dhawaaqayeen dhagna loogu jalaqsiinayn.

 

6.In Tigraygu tusaan islaamiyiinta kusoo dhowaanaya maamullaadaas in ay arrintaasi tahay khad cagaaran oo aanay aqbali doonin in loo gacan dhaafo.

 

7.Waxaan iyana meesha laga saari Karin xabbad-joojinta ama heshiiska farxadda iyo soo dhawaynta badani ku dheehnayd ee dhex maray jabhadda xoraynta soomaali galbeed iyo in calanka Tigrayga laga qotomiyo Garoowe, taasoo looga gol leeyahay in Soomaalida loo tuso inay marxalad cusub gashay oo Itoobiya lala heshiin karo lala nabdi karo iyadoo wixii ay galeen iyo dhulkii ay dhaceen toona laga wada hadal. 8.In shaki, cuqdad iyo kala fogayn lagu kala abuuro kooxaha “Islaamiyiinta” ah ee koonfurta ka taliya iyo walaalahooda ducaadda iyo culimada ah ee maamul goboleedyaadaas ku nool.

 

9.Soo dhowaynta xafladdii loo qabtay xabashiga oo uu u xilsaarnaa nin derajada ugu sarraysa ka gaadhay ciidankii jamhuuriyadda soomaaliya, waxay daba taallaa bahdilidda gaarka ah ee loo geysanayo hay’addii u taagnayd difaaca karaamada iyo dhulka ummadda Soomaaliyeed, waa wasaaraddii difaaca ‘ e, ma fogayn markii ciidanka Tigrayga ee muqdisho xasuuqa ka waday calanka ka taagteen xarumihii ciidanka soomaalida looga talin jiray!!! Ujeedkuna wuxuu ahaa ku quuso qudhaanyo.

 

Gunaanad

 

Murti soomaaliyeed baa waxay odhanaysaa “Wallee hadaan maanta la daba qaban meel fog baa laga dooni doonaa”

 

waxaan uga jeedaa : sida ay maanta tigraygu ugu dhex jiraan soomaaliya iyo siyaasadaheeda hadaan yac laga odhan maalin xeedho iyo fandhaal kala dhaceen baa la hanbabari doonaa, ama jiilasha soo socda baa looga tagi doonaa dhaxal ay ku cuslaan doonto inay qaadaan iyo mashaakil ay mustaxiil noqon doonto inay xalliyaan.

 

Waxaan kusoo gunaanadayaa culimada, waxgaradka iyo qof kasta oo damiir lihi inuu damqado, waxa hareerihiisa ka dhacayana dhug u yeesho, oo aanay qabyaaladda, gobolaysiga, kooxaysiga, iyo danaha gaarka ahi ina indho tirin.

 

Khaladaadka dhallinta muqdisho ka dagaalamaysaba waa la muujiyaa waana laga damqadaa culimo iyo caamaba gar iyo gardarro waxay doontaba ha ahaatee ee tolow wadankaas tagaya ee sii socda iyo ummaddaas cadawgeeda loo sii duduucayo maxaa looga aamusay!!!!!.

 

Malaa waxay u eg tahay in cudurkii dawo noqday, jahligiina cilmi isu rogay

 

Markastoo jahligu caam noqdoo aad u cududaysto

 

Cilmigaa xumaan noqdoo laga cajiibaaye

 

 

Cajab ma laha in duul rogmaday cidhib go’aayaane

 

WQ: Cabdiraxmaan Abyad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Taariikhdu Iyadaa Isasoo Celcelisa

 

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (swt) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubaanaa Muxamed (csw). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed.

 

Waxaa jirta arrin bani’aadamku wadaago meeshii uu doono ha joogo amase midabkuu doono ha yeeshee. Arrintaasi waxa ka mid ah maahmmaahooyinka ama dhaqamada sooyaalka ah.

 

Tusaale ahaan oraahda kor ku xusan ayaa ka mid ah waxyaalaha la wadaago cid walba oo Alle abuurtay oo adduunkaan ku nool waay ku dhawaaqdaa oraahdaan iyadoo cid waliba u adeegsanayso dhacdo soo noqnoqotay laakiin xilliga iyo dadkuba kala duwan yihiin.

 

Taariikhda Gobollada maanta laysku yiraahdo Sool, Sanaag, iyo qayb Togdheer ka mid ah iyo qayb kale oo iyana Nugaal ah..

 

Waxaa taariikhda ku cad in Gobollada maanta laysku yiraahdo Sool, Sanaag, qayb Togdheer ka mid ah iyo qayb kale oo iyana Nugaal ka mid ah inay ahaayeen dhulkii uu Mujaahid Sayid Muxamed Cabdulle Xassan ka dagaalami jiray isagoo u diiday hadh iyo hoyaadba gumaystayaashii Ingiriiska oo Berbera joogay iyo kii Talyaaniga oo isna Bari ilaa Koonfur joogay.

 

Waxaa kaloo taariikhda ku cad in Gobollada maanta laysku yiraahdo Sool, Sanaag, qayb Togdheer ka mid ah iyo qayb kale oo iyana Nugaal aki kuma jiro dhulkaas gaal ma degin lamana dersin dadkii ku noolaa. Waxaan sheeko ku maqlay xilligii kacaankii nin Ruush ah oo doonayey inuu cilmi baaris ku sameeyo tariikhdii Mujaahid Sayid Muxamed ayaa Taleex tagay.

 

Nin oday ah oo miyi ka yimi oo meel ku weysaysanaya ayaa ninkii arkay odaygii tooray buu iska soo gooyey oo ninkii Ruushka ahaa kula soo cararay isagoo ku cataabaya ma maantaa France Taleex yimi. Soomaalidu cadaankoo dhan France bay uyaqaaneen dhawaan ka hor intaan cadaanka lakala baran. Dhacdadaas qaaliga ahi waxay ku tusaysaa in ummadda halkaa deggan aay yan la dersin cadaan gaalo ah. Maantana waxaa muuqata in labadii meelood ee dhareer wadaagga la ahaa gumaystayaasha(Berbera iyo Bari) dhareer wadaag la yihiin Xabashida haddaba miyeyan muuqan in taariikhdu isasoo celceliso. Dhanka kale haddaan sheekada ka eegno meelihii gumaysigii caddaanka ahaa laga diiday middaan madow ee Xabashi ee ka liidata gumaysigii caddaanka ahaa waa laga diiday. Geeridu way badan haddaad cadow is qabataane, Garansiinay Xabashi inaan geed kharaar nahay!!! Haddaba akhristow dhulku kala fiican dadkuna kala ayaan badan. Dhulku wuxuu ku kala fiican yahay sida Alle loogu caabudo dadkuna waxay kula ayaan badan yihiin raalli siday Alle u raalligeliyaan .

 

Waxaan maqaalkan yar ku soo gabagabaynayaa tahniyad aan u diraayo walaalaha diidan in Xabashi geyigii Alle lagu caabudi jiray soo gasho oo aay najaasadeeda ku fidiso iyadoo dhul hore oo Muslimiintu lahaayeen oo ay qabsatay looguna ciilqabo, sida caasimaddii Islaamka Geeska Afrika ee Harar iyo meelo kale oo ummadda Muslimiinta looga fadhiyo inay xoreeyso goor kasta ha noqotee. Waxaan kaloo u duceynayaa walaalihii ku nafwaayey difaaca diintooda iyo dhulkooda una diiday Xabashi waxaana ugu bishaareynayaa nasrigii Alle waa dhow yahay Mujaahidiintuna waay idin soo gaarin ee adkaysta.

 

Wa billahi Towfiiq Suldaan Maxamed Suldaan Garyare(Abu-Cabduraxmaan)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Wafdi kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu madaxweyne xigeenku horboodayo ayaa dhawaan u boqoolaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta Ethiopia si ay uga dabatagaa maalka dhawaan ay Ciidanka Ethiopia halkaan (Buuhoodle) kala tageen,waxayna ka shaqeynayaan inay si dhakhso ah usoo celiyaan hantida maqan,shacabka Buuhoodlena waxaa looga baahanyahay inay degenaanta ku dadaalaan,waxaanuna ilaalinaynaa hubka aad haysaan ee Ethiopia leedahay"Ayuu yiri Wasiirka Kaluumaysiga ee Puntland oo ka hadlayey gabagabada safarkiisa.

 

Safarka madaxweyne xigeenka Puntland ayaanan lagaranayn goorta uu bilaami doono,waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda ka anbabaxo deegaanada Puntland,isagoo Ethipia si adag ugala hadli doona qadiyada gobolada Sool,Sanaag & Cayn oo ay qeyb weyn ku leedahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this