Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha uu ka soo jeedo Wasiir Maxamed Kaahin oo xalay si rasmi ah ugu biirtay xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Beesha uu ka dhashay wasiir Maxamed Kaahin ayaa xalay si rasmi ah iskaga xaadirisay kuna biirtay xisbiga WADDANI.

Xisbiga WADDANI ayaa xalay xaflado dhoolatus ah ku qabsaday magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa caawa magaalada Burco kaga qayb-galay laba xafladood oo waaweyn oo uu xisbiga WADDANI uu ku soo dhawaynayay beelaha kala reer Daahir iyo Samane Abokor, oo si rasmi ah cududooda ugu soo biiriyay xisbiga rajada shacabka ee WADDANI.

Beesha reer Daahir oo ah beesha uu ka dhashay Wasiir Maxamed Kaahin ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kana mid ahayd beelaha laf-dhabarta u ahaa xisbiga KULMIYE, tani waxa ay muujinaysaa sida ay u kala huleeleen beelaha Habar-jeclo iyo xisbiga KULMIYE.

Waxa xusid mudan in labada xafladoodba ay ka soo qayb-galeen Salaadiinta, Cuqaasha, siyaasiinta iyo dhammaan haldoorka beelaha Reer Daahir iyo Samane Abokor.

Dhanka murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna caawa kaga qayb-galay magaalada Hargeysa xaflad ballaadhan oo ay beelaha Bilaal iyo Gobdoon ku shaacinayeen taageerada weyn ee ay u hayaan xisbiga WADDANI.

Xisbiga WADDANI ayaa u muuqda in uu kasbaday Kalsoonida iyo taageerada shacabka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this