General Duke Posted August 8, 2009 5 Rayid ah oo ku Geeriyootay Duqeyn Maanta ka dhacday Muqdisho. August 7, 2009 · Comments (2) Horseed Media News Desk. In ka badan 5 ruux oo rayid ah, ayaa ku dhintay ku dhawaad 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen Duqeymo dhinacyada isaga horjeeda Magaalada Muqdisho ay maanta galinkii dambe is dhaafsadeen. Dadka dhintay oo dhamaantood rayid ahaa, ayaa waxa madaafiic ay kula dhacday xaafada Xamar-Bille oo ka tirsan degmada Wardhiigley, iyadoo qaybo ka mid ah xaafada Xamar-Jadiid ay Madaafiic badani ku dhacday. Isgoyska Folaransa, saldhiga wardhiigley iyo Xamar Bille, ayaa ugu badnaynd meelaha ay Madaafiicdani galabtay ku dhacday. Goobjoogayaal, ayaa u sheegay Idaacadda HorseedMedia ee Magaalada Boosaso in ay arkeen ku dhawaad 10 ruux oo dhaawac qaba kuwaas oo ay qaadeen gaadiidka gurmadka deg-deg ah Ambalaasta. tirada Madaafiicda ah ee galabta galinkii dambe ku dhacday xaafado ka tirsan Degmada Wardhiigley ayaa waxa la sheegayaa in ay ka imaanaysay fariisimada Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxana ay jawaab u ahaayeen Hoobiyeyaal lagu garaacay xarumaha Dowladda KMG ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahi, Madaafiicda oo ay ridayeen markii hore xoogaga Mucaaradka ayaa la rumeysan yahay in ay sababtay in Ciidamada dowladda ay iyana jawaab ka soo bixiyaan taasoo sababtay dhimashada dadkan rayidka ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 8, 2009 Muqdisho:War deg deg ah Madaxweynaha oo dib ugu laabtay Muqdisho iyo madaafic lagu soo dhaweynayo oo madaxtooyada ku socota 8. august 2009 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email Print This Article | Daabaco warkaan Muqdisho:Madaxweynah a Soomaliya aya goor dhaw waxaa uu ka dagay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho markii uu ka dhoofay garoonka Joma Kenyaata ee dalka Kenya oo uu laba cisho joogay. Madaxweynaha ayaa markii u galay qasriga madaxtooyada waxaa ay bilaabeen xoogaga mucaaradka duqeyn madaafic ah oo hoobiyaal ahaa, Ciidamada Amisom ee ilaalada ka ah madaxtooyada ayaa jawaabo ku ridaya suuqa bakaaraha oo ay tuhmayaan in madaaficda ay ka soo dhaceyso. Khasaaraha lama oga wali madaaficdana waa socdaan. Xafiiska Muqdisho AllPuntland kala soco wixi soo kordha Quote Share this post Link to post Share on other sites