Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya oo halis Amni ku tilmaamay Muddaharaadyo dhawaan ka dhacay dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719804259015.jpg?resize=720%2C40

Madaxweynaha Kenya , William Ruto ayaa waraysi uu bixiyay ku soo bandhigay dhacdooyin halis ku ahaa ammaanka Kenya oo lagu arkay inta uu socday mudaaharaadyadii lagu diidanaa sharciga maaliyadda.

Mid ka mid ah dhacdooyinka uu soo qaatay waxay ahayd in markii bannaanbaxayaasha ay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka in qayb ka mid ah ay si toos ah u aadeen goobta lagu kaydiyo hubka ee loogu talagalay in dhismaha lagu difaaco, isagoo intaa ku daray; “Waxaa jiri doona baaritaan lagu ogaanayo sida dadkan ay u ogaayeen in bakhaar hub uu ku yaallo dhismaha Baarlamaanka.”

Waxaa kaloo uu sheegay in kaamirada CCTV ay qabatay wajiyada dadkii weeraray Baarlamaanka,Maxkamadda Sare iyo xarumo kale, isagoo sheegay in muuqaallada CCTV lagu maxkamadeyn doono kuwii iskudayay inay gudaha u galaan bakhaarka hubka ee dhismaha Baarlamaanka, isagoo caddeeyay shaqsiyaadka la xiray inta mudaaharaadka uu socday in 1-da July la horkeeni doono maxkamadda.

Qof kasta oo dambiyo gaystay inta dibadbaxa uu socday ayuu sidoo kale sheegay inay Booliiska xogtiisa kaydiyeen si gacanta loogu soo dhigo.

Ruto, waxaa kalo uu soo bandhigay in diidmada hindise sharciyeedka Maaliyadda 2024 ay ka dhigan tahay in Kenya ay ku qasban tahay in ay amaahato $7.7 bilyan si loogu buuxiyo qorshaha miisaaniyadda.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Kenya oo halis Amni ku tilmaamay Muddaharaadyo dhawaan ka dhacay dalkaasi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this