Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqol sano ka hor gabaygii uu Cali Jaamac Haabiil tiriyay maanta ayuu taaganyahay: Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama Xamar iyo Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, mu’minimo khaas ah

Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama

Gabayaagii reer Somaliland ee ay isku dhaceen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo xiligaasi ay colaadi ka dhaxaysay isga iyo Cali Jaamac Haabiil oo.ka yaabay sayidku sida uu wax u laynaayo una dhacaayo xoolahooda ayuu Cali Jaamac isga oo ka yaabay ficiladii Sayidka ayaa uu tiriyay tixdan gabayga ah ee hoos taala.

Badda mootan meydkii Fircoon, baa la moosiyaye
Sir mitaminiyo meeqaanba way, kala masoobaane
Kolkii ay majaro leexatee, xaajo marin dhaafto
Murti qodob ku miisaaman baa, muranka noo dhaanta
Madi cararta maqasheeda-koris, minow san baa dhaanta
Marwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta
Magoog been ah talo muuqatoo, marag leh baa dhaanta
Hal miirshaw leh maya oo tidhaa, milow horaa dhaanta
Mayey aafo miidhan ah abaar, mudhuxsan baa dhaanta
Haddaan xididku maamuus lahayn, ma lihi baa dhaanta
Mirta weerar dirir maalinoo, rag is madhshaa dhaantaa
Mataan midiq ah laas miir ah baa, kuu mitabis dhaama
Boqorkii mallay dabi midgaan, xadhig martaa dhaama
Masjidkii cibaadada ka madhan, lama mudaa dhaanta
Mufti nacab ah Aw kula masoo, macallinaa dhaama
Walaalkaan mushaawiro lahayn, maqanahaa dhaama
Malab sun ah mariid laga kacaa, muudsashada dhaama
Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, mu’minimo khaas ah
Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama.

Hadaba heesta maanta laga qaaday Somaliland ee cadawga u aragta Muqdisho iyo Garoowe, waxa u dhigma gabaygaasi Cali Jaamac Haabiil uu tiriyay 100 sano ka hor.

Waxa nasiib daro ah in markii horeba la raaco oo lala midoobo Muqdisho iyo Garoowe

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this