Sign in to follow this  
Emperor

Puntland officials and Ulema collaborate and burn billions of fake Somali Shiling

Recommended Posts

Emperor   

Lacag Been Abuur ah oo maanta ay gubeen culumada iyo qaar ka mid ah Masuuliinta Puntland(Masawirada Dhawaan)

Posted to the Web Apr 23, 17:48

 

Boosaaso:-Waxaa maanta la gubay lacag gaaraysa dhowr milyan waxaa ayna ku jireen kartoon waxaana ay ku jireen 4 gaari oo noocyada loo yaqaanno waaraaryada waxaana lagu gubay duleedka magaalada Boosaaso.

 

Xaflada lacagaha been abuurka ah waxaa ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socda maamulka Puntlad, iyo culimo , ganacsato iyo wax garad waxaana ka hadlay qaar ka mid shirkadaha leh waraaqaha laga sameeyo lacagta faaliska ah waxaa ayna sheegeen in ay ka tanaasuleen.

 

 

Waxaa si weyn uga hadlay lacagta been abuurka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax isaga oo si weyn ugu mahad celiyey dadaalka ay wadaan waxgaradka iyo ganacsatada waxaa uuna sheegay in umada laga daayo dhibka iyo dhiig miiradka oo alle laga baqo.

 

Wasiirka amniga C/laahi Siciid Samatar isaga oo amaanay dadaalka ay wadaan culumada isaga oo codsaday in culumda iyo isimada ay ku qanciyaan shacabka in nabada la ilaaliyo .

 

Waxaa sidoo kale oo goobta ka hadlay Wasiirka Ganacsiga ee maamulka Puntland isaga oo qiray in maamulka uu dhibta wax ku leeyahay waxa uuna amaanay culumada Puntland dadaalka ay wadaan.

 

Sawirada oo dhameytiran dhawaan Inshalaah Halgan.net

 

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga oo maanta lagu gubay Magaalada Boosaaso

 

Arbaco, April 23, 2008(HOL): Magaalada Boosaaso ee Xarunta u ah Gobolka W/Bari ayaa maanta waxaa lagu gubay Warqadaha laga sameeyo Lacagta been abuurka ah ee Shilin Soomaaliga, iyadoo gubitaanka warqadahaasna ay ka dambeeyeen wada hadallo dhexmaray Ganacsatadihii keensatay Warqadahaas iyo weliba Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso.

 

Culumaa’udiinka iyo Ganacsatada ayaa sidoo kale waxay isku af-garteen in la fur-furo oo howl-gab laga dhigo Makiinadda lacagtaas lagu daabici jiray, si aysan mar kale u dhicin in lacag Shilin Soomaali ah la daabaco.

 

Waxaa kale oo ay labada dhinac isku af-garteen in Magaalada Boosaaso dabayaaqada todobaadkan, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah ee soo socota laga dhoofiyo Lix Nin oo Ajnabi ah oo lacagtaas daabici jiray.

 

Go’aankan ay wada gaareen Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka Magaalada Boosaaso waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan Magaaladaas, kuwaasi oo beryahan uu faro ba’an ku hayo sicir barar ku yimid qiimaha Raashinka quutul-daruuriga ah iyo weliba sarifka lacagta Doollarka.

 

Ugu dambeyntiina, goobtii lagu gubay Warqadahan laga sameyn jiray Lacagta Shilin Soomaaliga ah ee been abuurka ah ayaa waxaa goob-joog ku ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo weliba Dadweyne aad u faro badan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this