Saalax Posted October 16, 2010 Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca oo Dib Ula Wareegey Magaalada Dhuusamareeb Kadib Markii Shalay Ciidamada Al-Shabaab Ay Qabsadeen GALGUDUUD(OWN)-Ciidamada Ahlu Suna Waljamaaca ayaa dib ula wareegay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud Kadib markii ay shalay ka qabsadeen Ciidamada Al-Shabaab oo magaaladaa weerar kusoo qaaday, Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud iyo deegaanka Mareerguur oo shalay dagaalo xoogan ay ku dhexmareen ciidamada Ahlu Sunna iyo Kuwa Al Shabaab ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda goobahaasi ay degantahay islamarkaana dib ay ula wareegeen gacan ku heyntooda Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kadib markii halkaasi ay xalay isaga baxeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb iyo Mareerguur ayaa waxaa sheegeen in saaka xaaladda Magaalooyinkaasi ay tahay mid degan islamarkaana ciidamo farabadan oo ah kuwa Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca lagu arkayo wadooyinka deegaanadaasi. Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Mareerguur ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ku dhawaad 10 ruux oo ka mid ahaa dadka deegaankaasi iyadoo wali aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha soo kala gaadhay dhinacyadii dagaalamay, Cabdi Xasan Cilmi. Oodweynenews.com/Muqdisho. Quote Share this post Link to post Share on other sites