Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Safaarada Israa’iil Ee Dalka Serbia

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Dowladda Serbiya ayaa sheegay in la dilay nin leeb ku weeraray askar ilaalineysay safaaradda ay Israa’iil ku leedahay magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia.

Wasiirka arrimaha gudaha Ivica Dacic oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in ninka leebka ku weeraray safaaradda uu dhaawac halis ah gaadhsiiyay askari ka mid ah booliska ilaalinayay safaaradda.

Wuxuu kaloo sheegay in askari uu leebka ka haleelay qoorta, balse isna uu dilay ninka weerarka ka danbeeyay. Wuxuu dhacdadaasi ku tilmaamay weerar argagixiso oo ka dhan ah Serbia.Wakaaladda wararka Serbia ee Tanjug ayaa ku warrantay in aysan jirin wax khasaaraha ah oo soo gaaray shaqaalaha iyo diblamaasiyiinta safaaradda Israa’iil ee Belgrade.Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa xaqiijisay dhacdadaaasi kuna tilmaantay weerar argagixiso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this