Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorasho taariikhi noqon karta oo maanta ka dhaceysa Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalka Faransiiska waxaa maanta oo Axad ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay.

Wajiga koowaad ee doorashadaan ayaa laga yaabaa in ay kasoo baxdo natiijo la yaab leh, haddii ay codadka ugu badan helaan xisbiyada midigta fog.

Haddii axzaabta midigta ay doorashada maanta dhaceysa ku guuleystaan, ayaa waxay taasi ka dhigi doontaa in marki ugu horreysay tan iyo dagaalki labaad ee Dundia ay Faransiiska ka dhalato dowlad leh afkaaraha midigta fog ee xag-jirka.

Natiijada doorashadan iyo wajiga labaad oo isna dhacaya 7-ba bisha July ayaa lagu wadaa in ay jiho kale u baddasho siyaasadda Faransiiska. Madaxweyne Macron ayaa wacad ku maray inuu guul ka keeni doono doorashada.

Madaxweyne Macron oo ka niyad jabay natiijadi uu xisbigiisa ka keenay doorashadi baalamaaniga ee Midowga Yurub, ayaa horraantii bishaan ku dhawaaqay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.

Dadka ka faallooda siyaasadda ayaa go’aankaasi ku tilmaamay qar-iska-tuurnimo siyaasadeed oo uu Macron ku dhaqaaqay, isaga oo raja ka qaba in uu libin kasoo hooyo doorashadan, balse waxaa aad loo saadaalinayaa in uu ku guul-dareysan doono.

Taasi waxay ka dhignaan doontaa, in muddo xileedkiisa oo ay uga harsantahay saddex sano oo kale uu soo gaba gaboobi doono, haddii laga guuleysto.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this