Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali ay leedahay oo Muqdisho soo cagadhigatay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_1646.jpeg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online)- Diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali ay leedahay ayaa maanta soo cagadhigatay magaalada Muqdisho, taas oo bilaabeysa duulimaadyo caalami ah iyo kuwo gudaha ah, waana markii ugu horeysay ee burburkii kadib oo diyaarad ay ku duusho magaca Soomaaliya.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa diyaaradaan iska leh, waxaana wada oo shaqaale iyo wax walba ka ah dhallinyaro  Soomaaliyeed.

Premier Airlines ayaa lagu magacaabaa shirkadda iska leh diyaaradaan oo ku howlgeli doonta magaca Soomaaliya, waxayna buuxi doontaa baahi badan oo bulshada Soomaaliyeed ay u qabtay.

Munaasbaadii xariga looga jaray diyaaradaan ka howlgeli doonta dalka, waxaa maanta xarigga looga garay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ganacsatada iska leh Diyaaradda, maamulka garoonka iyo masuuliyiinta wasaaradda gaadiidka ayaa kasoo qeyb galay munaasabadda xarigga looga jaray diyaaradaan.

Milkiilaha diyaaradda ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaaradaan ay u safri doonto dhamaan deegaanada shanta gobol ee Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in diyaaradaan ay shaqaale ka yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed, sidoo kale dowladda iyo masuuliyiinta kale ee ka qeyb gashay munaasabadda ayaa soo dhoweeyey qorshaha shirkadaan.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Diyaaradii ugu horeysay oo Soomaali ay leedahay oo Muqdisho soo cagadhigatay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this