Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo ka digay qorshe uu Xasan Sheekh ka damacsan yahay xiisadda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-iyo-CC-Shakuur-1.jpg?fit=60

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirixamaan Cabdishakuur ayaa ka digay qaabka loo gelayo wadahadalka la sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu uga furmayo magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Wuxuu ku dooday in go’aan qaran laga qaatay qadiyadda Itoobiya, kaas oo lagu cadeeyey qaraar ay ansixiyeen labada gole ee dowladda Soomaaliya, balse hadda uu garan la’yahay wax is bedelay.

“Go’aanka lagu diiday heshiiskii Is afgaradka ee dhex maray dolwadda Itoobiya iyo Somaliland wuxuu ahaa mid qaran oo xukuumadda, labada aqal ee Baarlamaanka iyo siyaasiinta mucaaradka oo dhami isku raaceen,” ayuu yiri CC Shakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay in isbedel uu ku yimid go’aankii dowladda Soomaaliya oo ahaa “in wadahadal aysan la geli doonin Itoobiya ilaa ay ka laabato heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi.”

Sidoo kale shuruudaha qaraarka ay wasiirada iyo baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen ayaa dhigayey “in wadahadal lala galo Itoobiya uu dhici karo markii ay aqoonsato madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.”

“Waxaan muuqata in uu is-beddelay go’aankii xukuumadda ee ahaa in aysan wadahadal fool ka fool ah la galaynin Itoobiya ilaa iyo inta ay ka noqonayso isfahamka, aqoonsanaysana midnimada, wadajirka iyo gobbonimada qaranka Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dalbaday in Madaxweynaha oo hoggaan u ahaa hawshan qadiyadda Itoobiya in uu ballaariyo talada ku aaddan arrintan ee uusan kaligii isku koobin.

“Waxaa kaloo muhiim ah in la caddeeyo sababaha keenay is-beddelka Mowqifka xukuumadda,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

The post CC Shakuur oo ka digay qorshe uu Xasan Sheekh ka damacsan yahay xiisadda Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this