Deeq A. Posted June 29, 2024 Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed xoogan oo mar kale dib uga qarxay qaybo kamida gobolka Mudug. Dagaalka ayaa lasoo wariyay inuu xalay ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan aagga deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse ma cadda khasaare soo kala gaaray. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dhinaca kale wafdi ka socda maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa ku baxay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Mudug, halkaas oo iyana maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaal beeleedyo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, ayna ku dhaawacmeen dad kale/ Wafdiga ku baxay xiisaddaas ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka maaliyadda Puntland iyo wasiirka amniga Galmudug, ayada oo ujeedadu tahay in la joojiyo dagaalkaasi. Gobollada dhexe ayaa waxaa ka taagan xaalad qasan oo ka dhalatay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo dib uga qarxay gobolladaasi, kuwaas oo gaystay khasaarooyin Dagaalladan ayaa kusoo aaday, xilli Galmudug ay weli ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul ballaaran.The post Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Mudug + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites