Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka JFS Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo aas qaran loogu sameeyey Muqdisho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan guddoomiyaha golaha shacabka, ra’iisul wasaaraha XFS, xildhibaano, wasiirro iyo madaxda kale ee Qaranka ayaa ka qayb galay Aaska Qaran ee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuumku uu door taariikhi ah ka soo qaatay dowlad-dhiska, horumarinta dalka iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya, isaga oo mas’uuliyado kala duwan ugu soo adeegay dalkiisa isla markaana ka mid ahaa haldoorka ummadda Soomaaliyeed ee naf iyo maalba u huray dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen madasha janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa.

Salaadda Janaasada Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ka qayb galay, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka,l iyo mas’uuliyiin kale.

FB_IMG_1719669316268.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1719669321528.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1719669323880.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1719669303746.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1719669308547.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1719669297550.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST.

The post Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka JFS Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo aas qaran loogu sameeyey Muqdisho. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this