Deeq A. Posted June 29 Beel weynta gobollada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer ee Ciise Muuse ayaa maanta magaalada Hargeysa ku qabatay xaflad ballaadhan oo ay ku shaacinayaan inay ku soo biireen xisbiga micaaridka ah ee WADDANI. Xafladdan ayaa loo qabtay siyaasiyiin tiradoodu tahay 28 siyaasi oo isku jira Xildhibaanno iyo xubno kala duwan oo xilal ka soo qabtay xukuumaddihii kala dambeeyay ee Somaliland oo dhammaantood maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga WADDANI. Xafladdan ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb-galay salaadiin, cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan oo dhammaantood galbinayay siyaasiyiintan tirada badan ee maanta ku soo biiray xisbiga WADDANI.Madaxda ugu sarraysa xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminayaan murrashaxa madaxweynaha xisbiga Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga ayaa xisbiga WADDANI si weyn ugu soo dhaweeyay siyaasiyiintan iyo taageerayaashooda. Source Share this post Link to post Share on other sites