Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Kulmiye oo maanta wajigabax kala kulmay degmadda Sabawanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20240629-WA0007.jpg

Sabawznaag,(Qaran news)-Xisbiga Kulmiye ayaa maanta wajigabax kala kulmay degmadda Sabawanaag ee dhacda Koonfur bari ee caasomada Somaliland.
IMG-20240629-WA0008.jpg
Waxa xaruntaasi gaadhay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno sar sare oo xisbigaasi ka tirsan oo ay ka.midyihiin ku xigeenadiisa iyo sidoo kale xubno ka tirsan xukuumada Muuse Biixi ee ku fashilantay in dadka deegaankaasi ay wax u qabato.

Dadka deegaanka ayaan badankoodu ka soo qayb galin isu soo baxani maanta loogu talo galay in xisbiga Kulmiye uu dhoolatus ku sameeyo.

Dadka deegaanka oo noo waramay ayaa sheegay in balanqaadyadii ay xukuumadu hore ugu samaysay aan la fulin isla markaana ay degaanadoodu ayna haysan goobo caafimaad, wadooyin iyo waxbarasho iyo sidoo kale biyo nadiif Deegaanka waxa dhawaan ugu geeriyooday daawo laan laba dumar ah oo isku dhintay kadib markii ay dhiig baxeen deegaankana laga waayay irbad dhiig joojin ah iyo gurmad deg deg ah intaba.

Deegaankani waa deegaanka ugu dayaacada badan dalka oo dhan wax loo qabtayna ma jiraan inkasta oo dalka oo dhan uu kala mid yahay oo xisbiga Kulmie uu ku fashilmay dhamaan balanqaadyadii uu hore u sameeyay.

Dadka dalka oo dhana waxa la gudboon in ay maanta codkooda ku ciil baxaan oo ayna eedin fartooda mar danbe.

Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale wajigabax kala kulmay goboladda iyo degmooyinkii ay booqdeen taasi oo salk ku haysa wax qabad laanta xukuumadda Muuse Biixi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this