Sign in to follow this  
Deeq A.

Professor Jawaari oo Aas Qaran Muqdisho Loogu Sameeyay iyo Madaxda oo Ka Qeybgashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho waxaa aas qaran oo ballaaran loogu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo shalayto galinkii dambe geeriyooday.

Aas ayaa waxaa ka qayb-galay madaxda dalka ugu sarreysa oo uu madaxweyne xasan sheekh ugu horreeyo,Ra’iisul wasaare Xamse, guddoonka Baarlamaanka, wasiirro iyo xildhibaanno badan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan goloayaasha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Madaxda ayaa aaska ka dib siyaabo kala duwan uga hadlay geerida marxuum jawaari, asagoo ku tilmaamay shaksi dalkiisa iyo dadkiisa waqti badan geliyay, islamarkaana ahaa waddani dowlad dhiska Soomaaliya kaalin weyn oo lagu xasuusan doono ka soo qaatay.

Allaha unaxariistee Professor maxamed shiikh Cismaan Jawaari oo ay geeridiisu taabatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ayaa in ka badan 50 sano ku soo jiray siyaasadda dalka, asagoo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii kacaanka iyo kuwii ka dambeeyay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this