Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Jawaari

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta ku dhintay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, isagoo ku tilmaamay haldoor dadka Soomaaliyeed taariikh weyn ku leh, islamarkaana uu waqti badan galiyay dowladnimada Soomaaliya.


Dhankiisa Guddoomiyaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuumka,asagoo Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Professor Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo sanadkii 1945-tii ku dhashay magaalada Afgooye ayaa ahaa haldoor waddaniyaddu dhiiggiisa ku milantahay oo muddo dheer dalkiisa u adeegayay, islamarkaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray 60-kii sanoo la soo dhaafay, waxaana la filayaa in aas qaran loo sameeyo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this