Deeq A. Posted June 28, 2024 Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeray codbixinta doorashada madaxtinimo ee lagu xulanayo cidda qabaneysa madaxweynaha dalkaasi mudada dhowrka sano ah eee soo socota. Xarumaha Codbixintu ayaa saaka furmay 8 subaxnimo (04:30GMT) waxayna xidhmi doonaan 6pm (14:30GMT),iyadoo ay suurtagal tahay in codbixinta lagu kordhiyo dhowr saacadood oo illaa caawa saqda dhexe. Doorashooyinkaan ayaa la sheegay in ay ku tartamayaan dhowr qof,waxaana ugu cadcad Ghalibaf iyo Jalili oo u taagan inay yihiin kuwa ugu horreeya. Labaduba waa muxaafid, inkastoo Ghalibaf loo arko mid dhexdhexaad ah, halka Jalili uu yahay nin adag. Pezeshkian waa musharaxa kaliya ee matalaya siyaasada isbadal doonka ee Iran, iyadoo musharaxiinta kale ee la midka ah aan loo ogolaan inay tartamo. PUNTLAND POST The post Tartanka doorashada Madaxtinimada Iran oo maanta bilowday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites