Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo sheegay in uu Lubnaan garab istaagi doono haddii Israa’iil soo weerarto

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719555701826.jpg?resize=720%2C48

Madaxweyne Erdogan , hadal uu u jeediyay Xildhibaannada xisbigiisa AK Party, wuxuu u xaqiijiyay in uu Turkiga taageerri doono Lubnaan haddii ay weerar kala kulmaan Israa’iil.

Waxa uu sheegay inay tahay wax laga ‘naxo’, taageerrada reer galbeedka ay siinayaan Israa’iil , taa oo uu ku sheegay in ay  fududeynayso in uu dagaalka ku baaho bariga dhexe.

“Waxay u muuqataa in Israa’iil ay hadda indhaha u jeedisay Lubnaan ka dib markii ay burburisay oo gubtay Qasa. Waxaan aragnaa dalalka reer galbeedka oo taageero siinaya Israa’iil daaha gadaashiisa”.

“Qorshayaasha Netanyahu ee ah inuu dagaalka ku fidiyo gobolka waxay horseedi doontaa masiibo weyn… Turkigu wuxuu garab taagan yahay shacabka walaalaha ah iyo dawladda Lubnaan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Xiisadda xudduudaha ee u dhexeeysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare martay toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo kicisay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah ah.

Horraantii toddobaadkan, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa sheegay dawladda Turkiga inay aragtay khatarta ah in colaaddu ay faafto, isagoo ka hadlaya xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah.

PUNTLAND POST

The post Turkiga oo sheegay in uu Lubnaan garab istaagi doono haddii Israa’iil soo weerarto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this