Sign in to follow this  
Deeq A.

Telefishinka ASTAAN qaybtiisa magaalada Hargeysa oo mar kaliya shaqada ka caydhiyay shaqaale aad u tiro badan, xuquuqdoodiina ka duudsiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Telefishinka ASTAAN TV qaybtiisa Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa mar kaliya shaqada ka caydhiyay shaqaale aad u tiro badan oo in muddo ah ka haw-galayay telefishinka.

Shaqaalahan ayaa intooda badan waxa ay ka shaqayn jireen qaybta turjumida iyo codaynta aflaamta kala ah duwan sida Musalsalada, Hindiga, Maraykanka iyo kartoonka carruurta oo dhammantood si maalinle ah uga baxa amma looga soo daayo channelada kala duwan ee TV-gu leeyahay, sidoo kale waxa jira shaqaale kale oo iyagana laga eryay qaybaha kale ee uu ka kooban telefishinka Astaan, arrinta ayaa laga cabsi qabaa in dadka reer Hargeysa marka ay ogaadaan inay gadood ka samayn doonaan.

Shaqaalahan shaqada caydhiyay ayaa iyaga oo subax soo shaqo tagay sidii caadada ahayd waxa mar kaliya lagu wargeliyay in shaqada fasax ka yihiin oo laga eryay isla markaan uu TV-gu ka maarmay sidaana ay fasax ku ahaadaan, sida ay noo sheegeen qaar ka mid shaqaalahan ASTAAN TV ee shaqada laga eryay dhacdadan ayaa dhacday toddobaad ka hore.

Sida kale shaqaalahan sida kadiska ah shaqada looga eryay ayaa waxa ay noo sheegeen in dhammaan shaqadii ay qaban jireen loo wareejiyay xarunta uu TV-ga Astaan ku leeyahay magaalada MUQDISHO ee caasimada dalka Soomaaliya, iyada oo halkaa lagu soo diyaarin doona ka dib loo soo qaadi doono halkan si ay u daawadaan dadka reer Hargeysa, waxa ayna arrintani sii kordhinaysaa shaqo la’aanta ka jirta Somaliland iyada oo ay dad qaar ay u arkayeen shaqo abuur u soo kordhay bulshada.

Lama sababta ay maamulka telefishinka  ASTAAN TV hal mar u caydhiyeen shaqaalahan tirada badan, balse waxa hore jiray tuhuno badan kuwaas oo la xidhiidha in xogta TV-ga si weyn looga ilaaliyo dadka reer Somaliland ee shaqaalaha ka ah xarunta telefishinku uu ku leeyahay magaalada Hargeysa iyo inay shaqaale tiro badan ka keensadaan gobollada Soomaaliya iyaga oo guryo uga kireeya magaalada Hargeysa dhaqaale ka badan ka ay siiyaan dadka reer Somaliland ku bixiya.

Ugu dambayntii arrinta xusida mudan ee ay Loollan Media sheegeen shaqaalahan shaqada laga caydhiyay ayaa ah in XUQUUQDII shaqaalenimo ay TV-ga ku lahaayeen muran la geliyay laga dafiray waxa ay noo sheegeen in markii ay ku yidhaahdeen haddii shaqada naga caydhiseen xuquuqdayadii uu na siiya ay maamulka TV-gu si jeesjees ah ugu jawaabeen iyaga oo uu sheegay in qofkii xuquuq ka doonaya uu Looyar soo qabsado ka dibna uu u yimaado, waxa xusid mudan in qaarkood ay noo sheegeen in ayna awoodin lacag ay Looyar ku qabsadaan arrintani ay tahay dulmi iyo awood sheegasho kale oo la doonayo in xuquuqdooda lagu duudsiyo.

Lama oga in arrintani ay ku kooban tahay maamulka Hargeysa ee TV-ga Astaan iyo in uu la ogyahay mulkiilaha Warbaahinta Astaan Cabdimanaan Yuusuf Maxamed oo la sheego in uu yahay ganacsade Samafale ah oo dulmiga neceb.

Muuqaalka warbixinta oo faahfaahsan shaqaalahan cabanaya kala soco Loollan Media

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this