Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaale oo maanta u dhaqaaqay’ arrin ay muddo sugayeen reer Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
449259536_961050879394852_81751980046285

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga daah-furay Mmashruuca Nagaad ee hirgelinta naqshadeynta bulaacadaha iyo biya-mareenada caasimadda, taasi oo muddo badan ay shacabka caasimada ka sugayeen maamulka gobolka.

Mashruucan oo maanta uu ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ka daah-furay xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, ayaa waxa uu wax badan ka tari doona dhibaatada ka taagan caasimadda xilliyada roobka oo waddooyinkeedu noqdaan biyo dageen.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in heer qaran oo si wadajir ah la isaga kaashan doonno sidii xal-waara loogu heli lahaa arrimaha bulaacadaha iyo biyo-mareenada magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa isna madasha ka sheegay in dowladda Hoose ee Xamar ay sanadkaan 2024 hortabin u leedahay xal-u-helida iyo maareynta biyo-mareenada magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in sida ugu wanaagsan loogu faa’ideysan doonno mashruuca Nagaad oo uu maal-gelinayo Bangiga Aduunka (World Bank).

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale oo madasha ka hadlay ayaa dhankooda xusay in si wadajir ah la isaga kaashan doonno dar-dargelinta howlaha Naqshadeynta iyo dhismaha Biyo-mareenada magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), agaasimaha hay’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo madaxda hay’adda Hydro Nova.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa; maamulaha guud ee mashruuca Nagaad Maxamed Nuur Xasan, madaxda rugta ganacsiga Soomaaliya, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal iyo mas’uuliyiin kale.

Si kastaba, mashruucan ayaa wax badan ka tari doona haddii uu noqdo mid si rasmi ah u hirgela oo aan la musuq-maasuqin mid wax badan ka tari kara dhibaatada caasimadda, oo xaalad adag gasha xilliyada roobka, oo waddooyinkeedu isku beddelaan biyo dageeno, taasi oo hakad gelisa isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gudaha caasimadda.

449259536_961050879394852_81751980046285
448961559_961050246061582_24576485386722
449050538_961050379394902_51393656977420
445633788_961051029394837_76002676448212
449048890_961050556061551_31201467521599
449270517_961050889394851_44124990537593
449258668_961050992728174_67002580629118
449285203_961051016061505_39668629919382
449107299_961050432728230_88653370811157
445502523_961050962728177_13772813880902

The post Sawirro: Madaale oo maanta u dhaqaaqay’ arrin ay muddo sugayeen reer Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this