Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719492654568.jpg?resize=485%2C48

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed mar kale subaxnimadii hore ee Khamiista maanta dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka.

Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in dagaalka maanta uu ahaa midkii ugu xooganaa ee muddooyinkii u dambeeyay ka dhaca galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis joogsaday, waxaana uu dib u qarxi karaa xilli walba maadaama labada ciidan is horfadhiyaan oo aan la kala dhex galin, waxaana dhaawacyada ka dhashay la soo gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Puntalnd iyo Galmudug wali xal uma helin dagaalka soo noq noqda, mana jiro wada-hadal hadda socda oo lagu kala dhex galayo dhinacyada dagaallamaya, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socota Puntland iyo Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta Khasaaraha ka dhashay dagaal beeleedka galbeedka Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this