Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha dalka Bolivia oo ka badbaaday inqilaab millatari

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719465631332.jpg?resize=677%2C50

Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi shalay ay fashiliyeen isku day afgenbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi.

Madaxweyne Luis Arce ayaa sheegay in ciidanka af-genbiga sameeyay ay mudda kooban haysteen aqalka madaxtooyada iyo xarunta baarlamaanka dalkaasi ka hor inta aysan dib uga soo laaban.

Af-genbiga waxa sameeyay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga dalkaasi.

Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada iyo xarunta baarlamanka.

Dhinaca kale boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia ayaa si dhaqso ah ku buuxiyay fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.

Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha dalka Bolivia oo ka badbaaday inqilaab millatari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this