Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo beenisay in ay ka laabatay is-afgaradkii badda ee Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
1064420179_0_0_1024_577_1920x0_80_0_0_e0

Dowladda Itoobiya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka ku saabsan in ay baabi’say is-afgaradkii dhinaca badda ee ay hore ula gashay maamulka Somaliland.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa been abuur ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo muujinaysa in Itoobiya ka baxday is-afgaradkii dhinaca badda ee Somaliland.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay been abuur tahay warqadda ku faaftay baraha bulshada ee sheegaysa in Itoobiya baabi’isay is af-garadkaasi.

“Xafiiska Ra’iisul wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in keliya wararka iyo go’aannada rasmiga ah ee dowladda Itoobiya lagala socon karo bogga xafiiska Ra’iisul wasaare Abiy.

FB_IMG_1719466557930.jpg?resize=720%2C43

PUNTLAND POST

The post Dowladda Itoobiya oo beenisay in ay ka laabatay is-afgaradkii badda ee Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this