Sign in to follow this  
Deeq A.

ABIY Ahmed oo war culus kasoo saaray heshiiska BADDA ee Somaliland iyo Itoobiya, kuna adkeystay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan heshiiska badda ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Qoraalka uu soo saaray Abiy oo lagu daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa ugu horreyn lagu beeniyay inay Itoobiya ka laabatay heshiiskii ay horraantii sannadkan la gashay Somaliland, kaas oo ay si wayn ay uga qaylisay Soomaaliya.

Xafiiska Abiy Axmed ayaa iska fogeeyay waraaqo saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay baraha bulshada, taas oo lagu sheegay in Itoobiya ay ka baxday heshiiskii is afgarad ee ay dhowaan la gashay Somaliland.

“Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada” ayuu mar kale lagu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa heegay in labada dhinac ay ka go’an tahay in heshiiska uu hirgelo, isla markaana ay mar kastaa diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in Agree-ga la saxiixo kadibna MoU-ga loo beddalo xeer oo uu dhaqan-galo. Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaa nahay waa dal ballaadhan mana jiro wax ka noqosho ah..” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this