Sign in to follow this  
Deeq A.

Goobo ganacsi oo ku gubtay waddada Maka Al-mularama

Recommended Posts

Deeq A.   
Dab-Muqdisho.jpg?fit=696%2C385&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada Maka Al-Mularama ee magaalada Muqdisho, kaas oo aad u xooganaa.

Dabka oo dhaliyay khasaare hantiyeed ayaa qabsaday maqaayad lagu magacaabo Isasaar oo ku taalla laamiga Tareebiyaano, waxaana ku gubtay maqaayadda iyo goob Madbacad ah oo ku dheggan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Milkiilayaha maqaayadda uu dabka ka kacay oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Isaaq ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inuu ka dhashay koronto.

“Waxaa dab ka kacay koronto annaga oo shaqeysaneyno oo ku jiro xilliga shaqada ka bacdina jiingadihii ayaa dabka qaaday, khasaare wuxuu soo gaaray maqaayadda isa saar iyo madbacadda Rayaan” ayui yiri Maxamed Ibraahim Isaaq.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu khasaaraha ku kooban yahay hanti oo kaliya, isla markaana shaqaalihii iyo shacabkii ku sugnaa goobta ay ka badbaadeen dabka kacay.

“Khasaaraha na gaaray waa mid maaliyadeed, ma jiro wax nafeed Alxamdulilaah, kulli waa wada gubtay guriga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Waxaa kale oo uu intaasi ku dareen inay gurmad deg deg ah, isla markaana ay soo gaareen gaadiidka dab damiska oo ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi, wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo shacabkii usoo gurmaday.

“Waa uga mahadcelinayaa dowladda sida ay noogu soo gurmadeen ee ay noo badbaadiyeen, waayo khasaaraha intaan waa ka waynaan laha, haddii ay iyaga ahaan lahayn iyo shacabka noo soo gurmaday” ayuu mar kale yiri.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay gubashada goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaalla caasimada, kuwaas oo dhaliya khasaarooyin kala duwan.

The post Goobo ganacsi oo ku gubtay waddada Maka Al-mularama appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this