Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Gobolka Banaadir oo Xiray Askar Rasaas Riday Xuska 26-ka June

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’adaha nabad-galyada Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9 Askari oo ka kala tirsan Ciidammada qalabka sida.

Askartan ayaa loo haystaa inay jabiyeen amar boolisku ay soo saareen oo ku saabsanaa in aan la ridi karin rasaas loogu dabaaldagayo maalmaha xoriyada, si aan dadweynaha waxyeello u soo gaarin.

Raggan waxaa hadda ku socda baaritaanno kala duwan maadaama ay jiraan khasaaro ka dhashay xabadihii sharci darada ahaa ee ay ridee xalay, sida lagu yiri war ka soo baxay booliska.

Hay’addaha amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale baadi goob ugu jira oo raadinaya askar kale iyo gaadiid xabada riday, waxayna taliska booliisku shacabka Caasimadda ku nool ka codsadeen in ay la soo wadaagaan cid walba oo ammniga lid ku ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this