Sign in to follow this  
General Duke

warlords left with 30 or so MP'a call on IGAD to be even

Recommended Posts

Xubnaha labada Gole oo ugu baaqay dalalka IGAD inay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha Soomaaliya

Posted to the Web Nov 05, 18:23

 

 

Muqdisho:- (PP) - Xubnaha labada gole ee Muqdisho oo maanta kulan albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ka soo sa aray kulankoodaas qodobbo ay ugu digayaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ee dhawaan shirka ku yeelanaya Magaalada Jowhar.

 

Afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho Cumar Xaashi Aadan oo saxaafadda la hadlayay markii uu kulankaas dhamaaday ayaa sheegay in kulankoodii maanta ay kaga hadleen laba qodob oo kala ah: Kulanka la filayo inay Wasiirrada IGAD ku yeeshaan Jowhar, wuxuuna yiri Xildhibaan Cumar Xaashi:

 

“Dalalka IGAD waxaan uga digaynaa inay ka fiirsadaan shirka ay ku qabsanayaan Degmada Jowhar, waayo dowladdu waa mid qaybsan oo qaybna ay ku sugan tahay Muqdisho halka qaybta kalena ay ku sugan tahay Jowhar, sidaa daraadeed inay Jowhar shir ku qabtaan waa mid muujinaysa inay dhinac ka mid ah dhinacyada dowladda u xaglinayaan, marka waxaa IGAD u sheegaynaa in arrimaha Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqdaan isla markaana aysan shir u qaban jowharâ€, sidoo kale Cumar Xaashi Aadan wuxuu intaas ku daray in haddii IGAD ay shir ku qabtaan Jowhar ay noqonayso in aysan dhexdhexaad ahayn, Xubnaha Muqdisho joogana ay ka soo saari doonaan qoraal cambaareyn ah.

 

Xubnihii maanta ka soo qaybgalay kulankii lagu qabtay Muqdisho ayaa ahaa kuwo si weyn uga tiro yar intii hore iyadoo cel-celis ahaan ay dhamaayeen 35-xubnood oo laba ka mid ah ay ahaayeen Wasiirro iyo inta kale oo ahaa Xildhibaanno, waxayna horay u ahaan jireen in ku dhow 70-xubnood oo isugu jira labada dhinac ee Dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana maanta kulankii ka dhacay Hotel Saxafi goob joog ka ahaa Wasiirrada Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

 

Kulankii maanta ayaan lagu soo qaadin haba yaraatee hadal ku saabsan bixitaankii Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre uu ku tagay Jowhar, waxaana sidoo kale ay aad u soo dhaweeyeen xildhibaannadaas imaanshiyaha Ra’iisul wasaare uu ku imaanayo safarka Muqdisho, iyagoo sheegay inay wax weyn ka badali doonto siyaasadda hadda taagan, wallow ay labada wasiir aad uga soo horjeedeen hadalkaas, iyagoo ku tilmaamay in Imaanshaha Ra'iisul wasaaraha ee Muqdisho ay keeni karto inay sii kala furfurmaan xubnaha yar ee Muqdisho ku haray.

 

Kulankii maanta waxaan ka soo qaybgelin Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka Cabdi Xaashi C/llaahi oo aan la sheegin halka uu ku maqnaa, sidoo kale waxaan imaan Wasiirka Arrimaha Diinta iyo owqaafta Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la sheegay inuu ku mashquulsanaa soo dhaweynta Ra'iisul wasaare Geeddi iyo Wafdiga la socda. sidoo kale waxaa maqnaa Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow oo isagana joogay Hotel Ramadaan halkaas oo ay kas socotay qabanqaabada soo dhaweynta Ra'iisul wasaaraha.

 

Hadalkii maanta ay soo saareen xubnaha labada gole ee Muqdisho ayaa ahaa mid aysan ka muqan wax cago-jugleyn iyo cambaareyn ah, iyagoo taasi ay ku macneeyeen dad u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya inay tani muujinayso laciifnimo xagga xubnaha ah, waxayna sheegeen in xubnaha sii kala jajabaya ay ka dhigayaan awooddii ay lahaayeen mid aan waxba ka jirin.

 

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost-Muqdisho,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this