Deeq A. Posted June 26 Tartamayaashu waa in aanay carqaladayn doorashada. Way u siman yihiin tartamayaashu arimaha doorashada. Ma jiro mid ama koox tartanka ku jirta oo iyadu u leh awood iyo xaq inay sheegto ama yeedhiso sida doorashada loo gelayo iyo waxa lagu gelayo. Taasi haddii ay dhacdo waxa ay su’aal gelinaysa xaqnimada iyo madax banaanida doorashada. Doorashada soo socotaa waxa ay ku timi is af-garad siyaasadeed oo lagu dejiyay xaalad colaadeed oo keentay iska hor imaad hubaysan. Wax kasta oo raad arooryo dib u raacaya ama ku soo kordhinaya geedi socodka doorasho xaraf aan hore ugu jirin waa hallis keeni karta wax aan hadhow waxba laga qaban karin. Cid kasta oo Somaliland lexjeclo ka leh oo maankeedu caadi yahay waxa saaran waajib ah in doorashadu ku dhacdo si habsami ah oo aan lagu furin buuq iyo wareer hor leh. Wixii laga heshiiyay yaan cidi dib u soo gocan. Gar dabadeed baan guu guu nacay. Guuleed Dafac Qaran News Share this post Link to post Share on other sites