Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxuu Yahay Heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay Gaareen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa maanta magaalada Viena ee dalka Austria heshiis kula saxiixday Sanduuqa Horumarinta Caalamiga ah ee OPEC iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige heshiiskaas oo xal looga gaaray deymo Sanduuqa OPEC uu ku lahaa Soomaaliya oo dhan $36 Milyan.

Heshiiskaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC ay wada gaareen ayaa waxaa kaalin muhiim ah kulahaa Dowladda Sacuudiga oo fududeysay wadahadalada xalka looga gaaray deyntaan iyo waddii loo maray xalinteeda oo muddo ku taagnayd Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiska ay kaalin muhiim ah ku lahayd fududeyntiisa Dowladda Sacuudiga oo uu uga mahacelceliyay.

“Waxa aan heshiis ka gaarnay maanta Deyntii Sanduuqa OPEC si aan u xallino deymaha uu nagu lahaa Sanduuqa oo gaaraysay $36 Milyan. Waxa aan ka mahadcelineynaa taageerada Dowladda Sacuudiga ee fududeysay dhabaha loo maray xalinta deyntaan. Tani waa guul kale oo laga gaaray wada-xaajoodyada Deyn Cafinta Soomaaliya, ee lagu guuleystay ee taageeraya xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan.

Heshiiskaan maanta ay magaalada Viena ay ku gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Sanduuqa OPEC oo wadaxaajoodyo iyo heer kala duwan oo shirar ah soo maray ayaa uga dhigan Soomaaliya in ay fursad u heli doonto mustaqbalka dhaw in ay qayb ka nqooto deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee Sanduuqa OPEC uu siiyo si la mid ah dalalka soo koraya sida Soomaaliya gaar ahaan Afrika.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this