Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Kenya oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Laabtay Sharciga Bannaanbaxyada Sababay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Kenya William Ruto, ayaa ku dhaawaqay inuu ka laabtay Sharcigii Maaliyadda ee Banaanbaxyada rabshada wata sababay, isaga oo sheegay inuu u tanaasulay Shacabka Kenya oo xilligaan la daalo dhacaya sicir barar.

Ruto oo hadlay xilli ay xaaladdu faraha kasii baxayso ayaa u muuqda inuu dalkiisa ka badbaadinayo qalalaasaha sii kordhaya ee dhaqaala xumada iyo canshuuraha xad-dhaafka ah oo ay dowladdu soo rogtay ka dhashay.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale qiray xaaladda guud ee dalka ka taagan isla markaana uu tixgelinayo dareenka shacabka oo si adag uga soo horjeestay ansixinta Sharciga uu asaga qudhiisu markii hore ku adkaysanayay.

“Dadweynuhu waxay ku adkaysanayaan baahida aan u qabo inaan sameyno tanaasulaad badan , dadku way hadleen…. anigoo si aad ah u dhageysanaya dadka Kenya oo cod dheer ku sheegay in aysan dooneyn sharciga Maaliyadda, waan aqbalay sidaas darteed ma saxiixi doono sharciga maaliyadda 2024 kadibna waa laga laaban doonaa.” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Banaanbaxyada ka qarxay Kenya ayaa sababay Khasaare nafeed iyo kuwo hantiyeed, iyadoo Ciidamada Kenya ay isticmaaleen rasaas nool nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this