Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo Israa’iil uga digtay in ay beegsato Shaqaalaheeda marinka Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   
un-logo.png?resize=463%2C387&ssl=1

Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa u sheegay Israa’iil inay joojinayaan hawlaha gargaarka ee guud ahaan Gaza, haddii aan la qaadin tillaabooyin degdeg ah oo si wanaagsan looga ilaalinayo shaqaalaha binii’adan-nimada weerarrada Israa’iil.

Ciidanka Israa’iil ayaa diiday in ay ka hadlaan Talaadadii digniinta kama dambeeysata ee Qaramada Midoobay, wasaaradda difaacana kama soo jawaabin codsiyo loo diray in ay arinta ka hadlaan.

Israa’iil waxay qiratay qaar ka mid ah duqaynaha militari ee lagu qaaday shaqaalaha bini’aadantinimada, oo uu ku jiro weerar bishii April lagu dilay toddoboka tirsana shaqaalaha Jikada Dhexe ee Dunida waxayna beenisay eedeeyno kale. Israa’iil ayaa sheegtay in duqeeyno kasta oo noocaas ah yihiin kuwa khalad.

Dhaleeceynta caalamiga ah ayaa sii kordhaysa ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Marinka Gaza iyadoo Falastiiniyiinta ay wajahayaan gaajo daran oo baahsan.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobey oo Israa’iil uga digtay in ay beegsato Shaqaalaheeda marinka Gaza appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this