Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Adduunka ee Interpol oo Booliska Puntland ku wareejiyay eedaysane dil loo hayso oo baxsad ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1719406485098.jpg?resize=720%2C48

Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta lagu wareejiyay eedaysane loo haysto dil hore uga dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayay ku sheegeen in ay maanta la wareegeen oo garoonka diyaaradaha Garoowe laga soo dejiyay eedaysanaha oo baxsad ahaan ugu cararay dalka Kenya

“Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa maanta lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya,kaas oo maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax kaasi oo Garoowe ka dhacay 17 May 2023 waxaana soo qabashadiisa iska kaashaday Booliska Adduunka ee Interpol iyo ciidanka Booliska Puntland.

“Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe waxaa qabashadiisa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha”.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay Maxamed Cumar Ciise oo ku eedaysan dilka marxuum Axmed Cabdullaahi Maxamud Faarax dhawaan la horgeyn doono Maxkamadda Awoodda u leh kiiskiisa.

PUNTLAND POST

The post Booliska Adduunka ee Interpol oo Booliska Puntland ku wareejiyay eedaysane dil loo hayso oo baxsad ahaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this