Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo Duqaymo ku dishay 10 kamid ah Qoyska Hoggaamiyaha Xamaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay aroornimadii salaasada ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsan qoyska hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Weerarka ayaa lala beegsaday guriga qoyska Haniyeh ee xerada qaxootiga Al-Shati, ee waqooyiga Marinka Gaza, ayuu yiri Mahmud Basal, afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza.

“Waxaa jira 10 qof oo shahiiday oo ay ku jirto Sahra Haniyeh, oo la dhalatay Ismail Haniyeh,” ayuu yidhi Mudane Basal oo la hadlayey wakaalada wararka ee AFP.

Waxa uu sheegay in tiro meydad ah ay u badan tahay in ay wali ku hoos jiraan burburka laakiin aysan haysan qalabkii loo baahnaa si loo soo saaro.

Haniyeh, oo ah hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa saddex wiil iyo afar uu awoowe u ahaa ku waayay weerar ay Israa’iil ka geysatay badhtamaha Gaza bishii Abriil maalintii ciidul fitriga.

Haniyeh waxa uu wakhtigaas sheegay in ilaa 60 xubnood oo qoyskiisa ah la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoober 2023.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this