Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland cabinet passes new constitution

Recommended Posts

zGoleWasiiroPL0901l.jpg

 

Xukuumadda Puntland oo ansixisay Dastuurka cusub ee Puntland.

 

Garowe, May 25 | Kulan aan caadi ahayn oo shalay iyo xalay yeesheen Xukuumada DGPl ayaa lagu ansixisay dastuurkii cusub.

 

Dastuurkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay yeelato tan intii la dhisay Maamulka Puntland.

 

Hadaba shalay ilaa xalay ayaa xukuumadda DGPL waxa ay ka doodayeeb, kuna darayeen waxyaabaha ka dhiman ama si qaldan loo dhigay qodobada qaarkood. Dood dheer iyo falan qayn ka dib ayaa goluhu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub.

 

Hadaba waxaa saaka shir saxaafadeed xafiiskiisa ku qabtay Wasiirudowlaha Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaal Dr:Cabdi Xasan Jimcaale,waxaanu halkaasi ka akhriyey warsaxaafadeedkii iyo warbixino kale oo ku saabsan dastuurada ay soo martay Dawladihii Soomaaliya soo maray tan iyo intii ay xoriyada qaadatay.

 

Hadaba warsaxaafadeedkaasi ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

 

Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari,waxa ay ku guulaysteen in ay samaystaan maamul uu u dhamaystiran yihiin qaybaha dawladda,taas oo ka dambaysay,ka dib markii waxgaradka Gobollada waqooyi-Bari ay shir weyne isugu yimaadeen Magaalada Garowe.

 

Bishii ogost Sannadkii 1998kii,halkaas oo loogu walqalay maamul cusub oo unug u noqonaya Dowlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka,taas oo aanu rumaysan nahay in ay tahay wadada keliya ee isu keeni karto dadka Soomaaliyeed ee dagaalladii sokeeye ku kala irdhoobay.

Dowlad goboleedkaas cusub waxa loo bixiyey” Puntland”.magacaas oo cuskaan taariikh gaamurtay,macnihiisu na yahay’ ‘’Dhulkii Udugga”.

 

Hadaba qoraalkani waa miraha dibi eegista Golaha Xukuumadda ee Dastuurka,taasi oo soo martay Marxalado kala duwan iyo tashiyo loo bandhigay dad badan oo la bidayey in ay ku soo biirin karaan fikrado wax ku ool ah oo ka tarjumaya sidii uu dastuurkani u noqon lahaa mid taabagal ah ee warcelin waafi ah bixinaya halka ay Puntland higsanayso,iyaga oo isku duuban dawlad iyo dadweyne.

 

Dastuurkan oo ay xukuumadda Puntland li meelmarisay ogolaanshihiisa cod mideysan(unanimous)t aariikhdu markay ahayd 24kii Maajo 2009,ayaa ah nuqulka kama dambaysta ee la horgeynayo Golaha Wakiiladda,si ay iyaguna uga baaraandegaan,una ansixiyaan,dabadeedn a loogu qaado afti dadweyne.

Dasturkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u dhaqan gala,mar allaale iyo marka uu golaha wakiilada Puntland ansixiyo.marka laga reebo qodobada la xiriira doorashada iyo guud ahaan qodobada la falgala dhismayaasha golayaasha deegaanka iyo dhalashada Xisbiyada cusub iyo waliba guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga noqonaya,kuwaasi oo iyaguna dhaqangalaya mar allaale iyo marka ay hawshoodu bilaabato.

 

Dastuurkani waxa uu ka kooban yahay141qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray “Marxaladda kala Guurka”,loolana jeedo isbedelka labada guddi doorasho,wuxuuna si gaar ah kuu sabsan yahay guddiga Doorashada eek u meel gaarka ah,Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiran yihiin Mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socd:

 

1.Shareecada Islaamka

2.Baahinta Xukunka

3.Maamul wanaagga

4.habka wadaashiga

5.Isudheelitirida awoodaha Dawladda sida:

a)Golaha xeer Dejinta(Baarlamaanka ).

b)Golaha Fulinta(Xukuumadda)

c)Golaha Garsoorka.

6.Habka Xisbiyada Badan

7.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo suuqa xorta

8.Xuquuqa Aasaasiga ah ee Muwaadiniinta.

9.Nabadgelyada iyo Xasiloonida.

 

Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halkan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo si dadban uga qaybqaatay.qoraalka dastuurka,sixitaanki isa,doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa,soona gaarsiiyey halka uu manta marayo,isaga oo aan qabyo ahayn,balse dhamaystiran,waxaan si gaar ah aan halkan uga mahadcelinayaa Guddigga Dastuurka,dadweynihi i ka qaybqaatay,golaha Fulinta(Xukuumadda) iyo golaha Wakiiladda(Baarlamaa nka).

 

Waxaan mahad ballaaran halkan u marinayaa Hay’ada Interpeace,oo iyadu fududeeye ka ahayd ilaa markii la unkay Mashruucan,walina qayb muhiim ka ah socodka looga jibba keenay hawshan baaxadda weyn,taas oo dhaqaale iyo Farsamaba la garb taagan.

 

Wasiirudowlaha Madaxtooyada ee Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka

 

Dr. Cabdi Xasan Jimcaale.

Il - puntlandgovt.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Xukuumada Puntland oo maanta baarlamaanka horgeysay Dastuurka Cusub.

26. maj 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Golaha Xukuumada ee Puntland ayaa maanta horgeeyey baarlamaanka Puntland Dastuurka cusub ee deegaanada Puntland, waxaana Xubnaha golaha wakiilada maanta loo qeybiyey qoraalka ama nuqulada Dastuurkan.

 

Dastuurkan cusub ee ay habeen hore soo meelmariyeen golaha Xukuumada ayaa ah mid wax weyn laga badalay,isla markaasna ka kooban 141 qodob, sida ay sheegayaan xubno ka tirsan Mudanayaasha golaha Wakiilada.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo maanta ka qeybgalay fadhigan ayaa hadal uu ka jeediyey wuxuu ka codsaday Mudanayaasha baarlamaanka in ay si taxadar ku jiro u eegaan Dastuurkan ayna taladooda ugu darsadaan oo ay u ansixiyaan.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay waqti dheer ku bixiyeen mudadii ay shaqada wadeen sidii loo heli lahaa dastuur nadaamsan oo ay leedahay dawladda Puntland ayna ku guuleysteen oo ay soo dhameystireen, isagoo mahad uceliyey qaar ka mid ah dadkii ka qeybqaadatay dar-dargalinta howshan.

 

Dastuurkan oo dibu eegis oo kaliya ay ku sameysay Xukuumadan waxaa horay waqti iyo lacago-ba ugalisay Xukuumadii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi, waxaana qodobada ku jiraa qaarkood wax ka badal lugu sameeyey.

 

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa soo aqrisanaya 24 saac gudahood Dastuurkan, ka dibna waxaa la galinayaa dood sida uu qabo Xeer hoosaadka mudanayaasha baarlamaanka Puntland, ayagoo markaasi diidi kara ama aqbali kara.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland Cabinet approves new regional constitution

25 May 25, 2009 - 10:47:01 AM

 

GAROWE, Somalia May 25 (Garowe Online) - The Council of Ministers in Somalia's self-governing State of Puntland formally voted and approved the region's new constitution, Radio Garowe reports.

 

Puntland President Abdirahman Mohamed "Farole" presided over the meeting held at State House in Garowe, the capital of Puntland. Dr. Abdi Farah Jim'ale, State Minister for Democratization Process, presented the new constitution and a debate ensued thereafter.

 

 

Puntland President Abdirahman Farole

The hours-long meeting lasted into the night Sunday, when the Puntland Cabinet unanimously approved the new constitution.

 

The Puntland Parliament is expected to open debate on the new constitution soon, government officials said.

 

President Farole, who promised political reforms during 2008 election campaign, has made the new constitution one of his administration's top priorities.

 

If ratified by Parliament, the constitution will introduce a multi-party political system for the first time since the inception of Puntland State in 1998.

 

The new constitution must undergo a public referendum after parliamentary approval, a government source added.

 

Puntland, located in northeastern Somalia, considers itself a federal state within Somalia with its own regional government, security forces and political autonomy.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barlamanka Puntland oo la horgeeyey Dastuurka cusub

26 May 26, 2009 - 10:47:41 AM

 

Dastuurka loo gudbiyey aqalka Wakiillada DG Puntland ayaa waxuu ahaa mid ay horey u soo ansixiyeen golaha Xukuumadda kadib dood dheere iyo falanqeyn kadib.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo golaha u gudbiyey Dasturka ayaa sheegey in lagu qeexay ku dhaqanka shareecada Islaamka islamrkaana lama taabtaan muqaddas tahay.

 

Mudane Faroole ayaa intaasi ku darey in Dastuurkan uu ka koobanyahay 141 Qodob iyo hal Lifaaq oo loogu magac darey Marxaladda kala guurka,

 

Qodobbada ku jira Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah:

 

Baahinta xukun wadaaga, maamul wanagga, wada tashiga, isku dheeli tirka awoodaha Dowladda iyo dhowridda xuquuqda aasaasiga ee Muwaadiniinta,

 

Haddaba Golaha wakiillada oo loo qeybiyey Nuqullada Dastuurka ayaa marka ay soo akhrisaan iyagu ka doodi doona maalmaha soo socda sida uu sheegey Guddoomiyaha Golahaa Mudane Cabdishiid Max’ed Xersi,

 

Gudoomiye Cabdirishiid ayaa intaasi ku darey isagoo la hadley warbaahinta Garowe Online ineysan jirin buuq iyo gacan ka hadal ka dhacay hoolka Baarlamaanka intii ay socotey soo gudbinta Dastuurkan,

 

Xilli Warbaahinta qaar oo aan intooda badan goob jog ka aheyn ay sheegen ama ay qoreen in xildhibaannada Puntland ay ku sigteen iney gacanta isula tagaan,

 

Xubnaha Xildhibaannada ee Golaha Wakiillada DG Puntland ayaa Dastuurkan wax ku kordhin kara ama ka dhimi kara haddii ay isku raacaan iyadoo ugu dambeyntiina looga fadhiyo iney meelmariyaan.

 

Cabdulqaadir Max’ed Mursal, Garowe online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Garowe: Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ka hadlay Dastuurkii maanta la horgeeyey...Warbixin kooban....

26. maj 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay Dastuurkii maanta la horgeeyey Mudanayaasha baarlamaanka Puntland, waxaana ay ka sheekeeyeen Waxyaabihii ay ku soo arkeen Dastuurka cusub ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Mudanayaasha baarlamaanka oo lahadlay AllPuntland ayaa sheegay in dastuurkan uu yahay mid wanaagsan oo ay waqti badan ku lumiyeen xukuumadihii iskaga dambeeyey dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxa ayse soo qaadeen dhaliilo uuleeyahay oo ku aadan qodobada Dastuurkan.

 

Saxaafada oo loo diiday in ay aragto Nuqulada Dastuurka ama lugu koobay mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa xildhibaanada qaarkood waxa ay saaka xarunta gudaha baarlamaanka kaga doodeen ama ka soo jeediyeen waxyaabaha uu ku qaldan yahay, warqada ama hordhac kooban oo laga bixiyey Dastuurka luguna lifaaqay dastuurka ayaa lugu dhigay in ay dowladda Puntland ay dhisteen Bulshada gobalada Waqooyi Bari ee Puntland.

 

Qoraalkaasi waxaa saaka ka carooday Mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn, waxa ayna sheegeen in ay ufahmeen in ay kalmadaasi la mid tahay in ay dhisteen dowlad gobaleedka Puntland gobaladaasi oo kaliya , waxaase faahfaahin isku dayay in ay ka bixiyaan kalmadaasi xubno ka tirsanaa Xukuumada Puntland, inkastoo aysan qancin Mudanayaal aad uga carooday arintan.

 

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa dastuurkan qodobadiisa qaarkood waxa ay ku tilmaameen kuwa aan wanaagsaneyn, gaar ahaana qodobka ka hadlaya Astaamaha dowlad gobaleedka Puntland, waxa ayna sheegeen in dowlad gobaleedka Puntland ay ka tirsan tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaasna aysan munaasib aheyn in calan iyo hees gaar ah ay qaateen ama soo saartaan.

 

Falanqeyn dheer ayaa lafilayaa in ay beri ka dib Mudanayaasha baarlamaanku ka yeeshaan dastuurka cusub ee Puntland, waxaana hadii la ansixiyo noqonayaa dastuurkii labaad oo ay yeelato Puntland tan iyo markii la dhisay sannadkii 1998-dii, waxaana dastuurkii ugu horeeyey la meelmariyey 2001-dii, xiligaasi oo xilka Madaxweyne-nimo hayay Col. C/laahi Yuusuf Axmed, oo ay yaraayeen Wasiiradiisu.

 

Dadka la socda Siyaasada Puntland ayaa sheegaya in hadii ay Xildhibaanadu ogolaadaan meelmarinta Dastuurka ay noqon doonto mid fariin udirta golaha Xukuumada oo aan wali la helin codka Kalsoonida ee Mudanayaasha golaha Wakiilada, hadii aan la meelmarin ama la diido in la Ansixiyo oo dib loo celiyo waxa ay cashar lama ilaawaan ah unoqon doontaa iyo shaqo hor leh Xukuumada Madaxweyne Faroole oo labadii todobaad ee ugu dambeysay waqti dheeri ah ku bixisay in Dastuurkaas mar ka gudbo oo gaara Aqalka aan ka fogeyn aqalka Madaxtooyada oo ah meesha ay ku kulmaan Golaha Wasiirada.

 

Wasiirada Puntland ayaa wadnaha farta ku haya, waxaana dhagahooda soo gaareysa hadalada uga imaanaya Xildhibaanada baarlamaanka ee ku aadan sida ay ku heli lahaayeen codka Kalsoonida, waxaana xasuus mudan in dhawaan markii la ansixinayay Miisaaniyada Puntland ay golaha Wakiiladu qaar ka mid ah ku eedaynayaan Madaxweyne Faroole in uu dowlad la baxday fara badan soo dhisay, ayna mushaaraad badan la dageen oo Miisaaniyada badankeedu aysan soo dhaafeyn golaha Xukuumada.

 

Golaha Xukuumadu waxa ay gaarayaan 49 xubnood, marka laga reebo Madaxweynaha & Kuxigeenkiisa oo labaduba ah Hogaamiyaasha deegaanada Ismaamulka Puntland, waxaana dhawaan ay Wasiirada 49-ka ah dhowrayaan in ay helaan codka Kalsoonida ee ay ku wadi lahaayeen shaqada dowladda.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa dastuurkan qodobadiisa qaarkood waxa ay ku tilmaameen kuwa aan wanaagsaneyn, gaar ahaana qodobka ka hadlaya Astaamaha dowlad gobaleedka Puntland, waxa ayna sheegeen in dowlad gobaleedka Puntland ay ka tirsan tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaasna aysan munaasib aheyn in calan iyo hees gaar ah ay qaateen ama soo saartaan.

Meiji: Do you see the importance of open debate and not resorting to fake "liberation" or "religious shamm". Free consultation between elected officials, does it not make you proud to be a Somali when you see whats happening in Garowe? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Three observations from that newsreport (Allpuntland):

 

 

1) In the introduction of the constitution it was written that the regional government of Puntland is created by the Northeastern society (direct translation from the below quotation)

 

in ay dowladda Puntland ay dhisteen
Bulshada gobalada Waqooyi Bari
ee Puntland.

2) The MP´s from Sool, Sanaag and Cayn opposed the formulation and disagreed with the mentioning of Northeastern society (bulshada gobolada Waqooyi Bari)

 

Qoraalkaasi waxaa saaka ka carooday
Mudanayaasha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn
,

3) Many MP´s disagreed with the plans in the constitution to have the known nation-state characteristics: own flag and national anthem, and argued that Puntland is part of Somalia and does not need such things.

 

qodobka ka hadlaya Astaamaha dowlad gobaleedka Puntland, waxa ayna sheegeen in dowlad gobaleedka Puntland ay ka tirsan tahay dowlad Soomaaliyeed,
isla markaasna aysan munaasib aheyn in calan iyo hees gaar ah ay qaateen ama soo saartaan.

--------

 

Can we say that the Northeastern region is preparing the groundwork for a possible secessionist road when the Islamists knock on its doors?

 

Discuss gentlemen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meiji, Puntland will get its own separate state flag and anthem too, while at the same time sharing the flag of Somalia and national anthem with the rest of the country, inshallaah.

 

The President will decree what colour and shape the Flag will be and also what kind of state anthem, that's a fact.

 

Regarding the 'buuq' you mentioned, well that's democracy for you and people can debate aspects of the final draft of the constitution, that's why the parliament is there, in order to discuss, scrutinise and legislate drafts-motions, motions, constutions and other government proposals. That's the beauty of having a parliament and working government.

 

Puntland is moving forward inshallaah at last democracy is taking shape.

 

Viva to Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Meiji: You are right the wording of the document might make some upset and other not so. However a few months ago you was foaming from the mouth and hoping for Eyl, Garowe and Garacad to be bombed by westerners.

 

Also its healthy to debate, discuss and even disagree but its cancerous to kill people and pretend its for the faith Ahlu Sunna or otherwise.

 

We are moving foreword and insha Allah Puntland will take care of its priorities and interests regardless what some fakers might want or think.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland oo maanta dood kulul oo faraha la isla tagay ka yeesha dastuur uu maamulkaasi yeesho.

 

Shabelle: BOOSAASO

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta dood kulul oo faraha la isla tagay ka yeesha dastuur uu maamulkaasi yeesho.

 

Doodani kulul ee baarlamaanka Puntland dhex martay ayaa waxaa ay ka danbeeysay kadib markii maanta loo qeybiyay dastuurka cusub ee uu yaleelanayo maamul goboleedkaasi.

 

 

Dastuurkani ayaa waxaa uu noqonayaa mid maamulkaasi ka dhigaya hab nidaam Axsaabi ah iyadoo laga bixi doono habka 66-da xubnood ee baarlamaanka ay soo doortaan madaxda dowlada.

 

 

 

Arintani oo aheyd mid mudo socotay isla markaana ay ansxiyeen golaha wasiirada Puntaland ayaa maanta la hor dhigay golaha baarlamaanka ee maamulkaasi.

 

 

 

Kadib markii maanta loo qeybiyay xildhibaanada Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland dastuurka oo ay ku arkeen qodobo aysan ku xusneeyn Puntland oo ay ku qornaayeen gobolka W/bari ayaa waxaa ay ka keeneen dood badan taasi oo dooda inta badan ay keeneen xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolada Sol iyo Sanaag.

 

 

 

Dood dheer oo markii danbe isku badashay gacan ka hadla ayaa waxaa ay xildhibaanada qaarkood bilaabeen in ay isaga baxaan madasha uu shirkaasi ka socday.

 

 

Arinta muranka dhalisaya ayaa waxaa ay timid kadib markii dastuurka lagu soo dari waayay gobolada Sol iyo Sanaag oo ay isku heystaan maamulada Somaliland iyo Puntland taasi oo ka dhigeysa in laga saaray maamulka Puntaland isla markanaa ka careysiisay xildhibaanada ka soo jeeda goboladaasi.

 

Doodani ayaa waxaa ay jabineysaa hadii ay sidan ku sii socoto xeerkii la dajiyay markii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

There's no ambiguity regarding the wording of the text and the disgruntled MP's have late night meetings and consultations with their respected Ministers of the State!

 

Article 6 of the new Puntland Constitution makes that clear whatever the phrase Waqooyi-Bari means, it says:

 

Qodobka 6aad

DHULKA IYO SOHDIMAHA

 

Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.

 

Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.

 

Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.

 

Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.

 

Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin karo, lagumana xadgudbi karo.

 

Whatever the wording the above makes it crystall clear and I urge the MP's to pass this constitution so that we as citizens can excercise our democratic role of going to poll in order to rectify or reject it.

 

Greatness belongs to Puntland State of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this