Deeq A. Posted June 25, 2024 ( إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ ۚ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ) سورة الحجرات Waxaan bogaadinayaa Dowladda Galmudug oo gogol nabadeed u fidisay beelihii Cabdudwaaq iyo Xeraaale ee dhawaan ku dagaalamay waqooyiga Galgaduud . Waxan u mahadcelinayaa Hogaanka Galmudug ee Xiligiisu Dhamaaday oo Gogashaan Dhigay Dhuusamareeb, sidoo kale waxaan mahad ballaaran ujeedinayaa culimadii , waxgaradkii , odoyaashii ,siyaasiyiin deegaanka ah oo isugu jira xildhibaano iyo wasiiro heer Federaal iyo heer Galmdug oo howshani suurtagaliyay in xal-nabadeed lag xaliyo ,masuuliyiintaas oo waqti iyo dadaal dheeraad ah galiyay joojinta dhiiga walaalaha reer Galmudug . Waxaan si gaar ah mahad ballaaran u jeedinayaa taliyiaha Ciidanka Booliska Federalka qaybtiisa Galmudug Khaliif Cabdulle Maalin iyo Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Qaranka (NISA) qaybtiisa Galmudug Faysal Ibraahim Caanood oo xilwayn iska saaray illaahay kasokow sababna u ahaa joojinta colaadaas. Waxaa sidoo kale BAAQ NABADEED u dirayaa beelaha walaalaha ah ee Galdogob iyo Bandiiradleey ee dirirta dhaxmertay , beelahan oo dhaqan, dhalyo iyo darisba wadaaga waxaan leeyahay dagaalka shuruud la’aan hala joojiya oo xal nabadeedna halagu xaliya colaada Maamulada Puntland iyo Galmudug , culimada , isimada , cuqaasha iyo siyaasiyiinta labada deegaan iney ka wada qayb-qaataan joojinta colaada iyo dhiiga walaaalaha daadanaya. Dagaal beeleedyada waxay ay shaki la’aan fursad siinayaan cadawga ummadda Soomaaliyeed oo ah Argagaxisada arxanka daran Al-Shabaab, sidaa darteed dhiiga walaalaha muslimiinta ah ee dhaqan iyo dhalyaba wadaaga nabad iyo xal waaro laga gaara. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites