Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo QM ku dacweysay ciidankii Itoobiya ee xuduuda ka soo gudbay + Cawaaqibka

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-iyo-Abiy-scaled.jpeg?fit=25

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay geysay cabasho ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee sida sharci darrada ah u soo galay gudaha Soomaaliya, iyagoo ka soo gudbay xuduudda wadankooda.

Kulanka looga hadlayay xaalka amni ee Soomaaliya oo ay xaadir kuwada ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwa ka socday Midowga Afrika, ayaa safiirka Soomaaliya u qaabilsan Abuukar Cusmaan Baalle waxa uu ku eedeeyay ciidamada dawladda Itoobiya.

Danjire Abuukar Baale ayaa shirkaas ka sheegay in si sharci darro ah ay ciidamadaasi uga soo tilaabeen xadka Soomaaliya.

“Sababo la xiriira talaabooyin ay qaadeen ciidamada Itoobiya, oo ay kamid tahay in si sharci darro ah ay u soo jiireen xadka Soo jiireen xadka Soomaaliya, ayaa waddanka ku qasabtay in uu wax ku kordhiyo qorshihii bixitaanka ee Septemper,” ayuu yiri Abuukar Baalle.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saareysa in Ciidamada Itoobiya ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ku baxa qorshaha ATMIS looga saarayo dalka, inkastoo howlgalka uu bilaabanayo, hadana qorshaha Soomaaliya kuma jirto in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan wadanka.

“Dawladda Soomaaliya waxay ku boorineysaa golaha in ay tixgalin siiso caqabadaha ka imaan kara talaabooyinkaan xasilooni darrada ku sababaya Soomaaliya iyo gobolkaba,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee QM.

Hadaba dacwada Somalia cawaaqib intee la eg ayay ku yeela kartaa Itoobiya?

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC ayaa sheegay inay qalad dublumaasiyadeed tahay talaabada ay ku dhaqaaqday dawladda Itoobiya.

Sidoo kale Wasiir hore Cawad ayaa sheegay in Ciidmada Itoobiya ay muddo ku sugnaayeen Soomaaliya, iyagoo aan gudaneyn waajibkii ahaa inay Shabaab la dagaalamaan, sidaas oo ay tahana wuxuu sheegay in Afrika iyo dunida inteeda kale ay ka war-hayaan dhaqanka ciidamada Itoobiya ay la joogaan gudaha Soomaaliya.

“Waxaa laga yaabaa in innaga naloo maleeyo inaan nahay qolyo aan abaal aqoon,” ayuu yiri Cawad oo ka warrmayay qiimeynta lagu sameyn karo kiiskaan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa aad u xumaaday wixii ka dambeeyey markii bilowgii sanadkaan ay Itoobiya heshiis beenaad badda ku saabsan la gashay maamulka Somaliland, dowladda Soomaaliya ayaa aad uga dhiidhisay qorshaha Itoobiya waxaana labada dal u bilowday dagaal diblomaasiyadeed.

The post DF oo QM ku dacweysay ciidankii Itoobiya ee xuduuda ka soo gudbay + Cawaaqibka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this