Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo digniin cusub ka soo saaray HESHIISKA Somaliland iyo ITOOBIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen dalalka Itoobiya iyo Somaliland, waxayna taageero u muujisay Soomaaliya.

Heshiiska oo la saxeexay horraantii January 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi buuxa oo ay ka hesho Itoobiya.

Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo saamaynta taban ee ay ku yeelanayso danaha amni ee ay wadaagaan,” ayuu yidhi Wood oo shalay ka hadlay kulankii Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan ku biiraynaa Midowga Afrika iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si aan ugu celino taageeradeena ku aadan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wadahadal diblamaasiyadeed ayaa ah dariiqa lagu dejin karo xiisadaha, waana dariiqa kaliya ee loo mari karo,” ayuu yidhi Wood.

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo Somaliland iyo Itoobiya ayna weli heshiis u bedelin is-afgaradkii ay gaadheen, ayada oo 3 bilood la dhaafay muddadii saddexda bisha aheyd ee ay qabsadeen in ay heshiiska ku saxeexayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dhowaan wareysi siiyey wargeyska The Economist ayaa sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this