Sayyid Posted February 18, 2006 Midowga maxkamadaha oo ku adkaaday dagaalkii maanta ka dhacay Muqdisho Mogadishu 18 Feb. 06 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa la wareegay gacan ku heynta goobihii maanta dagaalka uu ka dhacay ee magaalada Muqdisho, ka dib dagaal qaraar oo ay isaga hor yimaadeen maleeshiyooyin daacad ah u ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee maanta lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Dagaalkaan oo sii xoogeeystay maanta maqribnimadii ayaa wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo aynu ka soo xiganay saraakiisha sar sare ee maxkamadaha Islaamiga waxa ay sheegayaan in ay ka adkaadeen dhinaca Maleeshiyooyinka daacadda u ah isbaheysiga cusub ee la dagaalanka argagixisada oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho. Saraakiishaan oo ka gaabsaday in la shaaciyo Magacyadooda ayaa Waxa ay intaasi ku dareen in ay gacanta ku dhigeen maleeshiyooyin daacad u ah Wasiirka Ganacsiga dowladda FS Muuse Suudi Yalaxow iyo Ganacsade Bashiir Raage, oo ay ku qabteen maxaabiis ahaan, kuwaasi oo la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen dagaalka. Mas'uul u hadlay maxkamadaha islaamiga waxa uu sheegay in uu faro Cijo leh kaga baxsaday Baabuurtii dagaalka ee ay wateen maleeshiyooyinka hogaamiye kooxeedyada. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyooyinkii la jabiyay ay iminka ku sugan yihiin Aaagga Cakaaro ee nawaaxiga Isbitaal Banadir oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Cismaan Caato wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeeynta. Dagaalkii maanta dhex maray labada dhinaca ayaa waxa uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Waxii ku soo kordha kala soco www.Shabellenews.com Quote Share this post Link to post Share on other sites