guraad Posted August 9, 2003 Hargaysa - Amar qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda qorsheynta ee maamulka la baxay Somaliland Axmed xaaji Daahir Cilmi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in hay'adda samafalka caalamiga ah ee NOVIB oo maal galisay siminaarro ay wadaan hay'adaha CANDLE LIGHT iyo NAGAAD inay ka baxdo maamulka la baxay Somaliland , Wasiirka ayaa cayrinta hay'addaan ku macneeyay inay ka soo horjeeddo jirintaanka qaranimada Somaliland . Waxaa kaloo maamulka Somaliland uu amar ku bixiyay inay dalka isaga baxaan 5 qof oo labo ajinabi tahay kuwaasoo ujoogay magaalada Hargaysa hawlo ay wadday hay'adda NOVIB. Siday sheegtay hay,adda candle light waxaa seminaarkaasi la joojiyay ka qaybgelaayay 14 qof oo ka kala socday Somaliland, Puntland, iyo Muqdisho.waxayna ku tilmaameen inuu ahaa kulan wadatashi ahaa oo ku saabsanaa kormeerka iyo qiimeynta mashaariicda tacliinta ee ay maalgeliso hay'adda NOVIB, siiba horumarinta waxbarashada gabdhaha. C. C. Farayaamo Quote Share this post Link to post Share on other sites