Sign in to follow this  
Deeq A.

Ambassador Kaysar oo ka hadlay arinka Cismaan Cumar Dool

Recommended Posts

Deeq A.   

Asalaamu Calaykum

Shacbiga reer Somaliland waxaan u sheegayaa in Cismaan Cumar Dool uu yahay muwaadin Ciiddiisa iyo Calankiisa hoos jooga oo la xidhi karo, la eedayn karo, la xukumi karo, dembi lagu heli karo, dembina lagu waayi karo si la mid ah muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay.

Cismaan arrinkiisa waxa gacanta ku haya laamaha sharciga, cid dulmiyi karta ama waxaanu qabin dusha ka saari kartaana ma jirto, cid ka difaaci karta dembi uu galayna ma jirto, arrinkiisana waan ku gudo jirnaa.

Cismaan waxaanu ku booqanay Xabsiga aniga iyo masuuliyiin sare oo Xukuumada ka tirsan, waxaanan si 100% ula soconaa xaalkiisa, waana muwaadin hoos jooga ciiddiisa iyo calankiisa.

Waxaan leeyahay kuwa arrinta Cismaan ka dhiganaya Kubad siyaasadeed ee ka shaqaynaya kicinta bulshada, inaan meeli uga bannaanayn ee ay ku foofaan danahooda.

Waxaa kale oo aan jecelahay inaan bulshada la wadaago in hadalkii Suldaanka Guud iyo salaadiinta kale ee arrintan ka hadlay ay ujeedadoodu ahayd dejinta dhalinyaradii Madaarka ka mudaharaaday, balse aanay jirin wax kale oo xumaan ah oo ku jiray hadalkoodii, balse si khaldan loo turjumay.

Waad mahadsan tihiin

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Hargeisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this